Wasiirka Horumarinta Maaliyaddu Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Waa Xidig Godkiisii Helay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Runtii wuu asiibay markuu wasiirka horumarinta maaliyadda jsl u magacaabay Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi Raage oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah, muddo dheerna ka soo shaqeynayay Wasaaradda Maaliyadda. Isagoo ka soo bilaabay karaani kana gaadhay maamule kastam. Mudane yuusuf waa masuul xog-ogaal ah isla markaana la socday hannaankii koboca cashuur-ururinta, horumarinta miisaaniyadda iyo kor u qaadidda dakhliga qaranka.

Yuusuf maxamed cabdi raage wuxuu ka mid ahaa muddo dheer xubnihii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, isagoo kaalin fircircoon ugu jirey Xisbiga & horu kaciisa.

Talaabadii ugu horeysay ee uu ku talaabsado Wasiir yuusuf maxamed cabdi waxay ahayd inuu markiiba bilaabay isku shaandhayn waaxaha wasaaraddu ka koobantahay, isagoo u badheedhay kuna talaabsaday bedelaadda shakhsiyaad la soo jiifay tan iyo 1992. Iyada Oo ay hagayso Wasiir yuusuf aqoon & khibrad uu u lahaa waaxyaha wasaaradda & hawl-wadeenada wasaaradda.
Talaabadaas Oo dadku badi ku hambalyeeyeen Wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland mudane yuusuf maxamed Cabdi raage.

Talaabada labaad iyana waxay ahayd miisaaniyadda.
Iyadoo miisaaniyadda 2018-ku ay ka sarayso tii 2017-ka
1. Miisaaniyadda dawalada dhexe 9%
2. Wadarta Guud ee Miisaaniyadda 2%
3. Odoraska Dakhliga waxay ka saraysaa 30% oo kala ah 21% hoos u dhac ku yimid dakhligii 2017-ka + 9%-ka ku talagalka dakhliga Miisaaniyadda dhexe.
Taas oo kaga duwan  miisaaniyadahii hore  
Qaabka loo diyaariyay oo ah hab ku dhisan (Capital budgting) halka miisaaniyadii hore ay ahayd  mid ku dhisan (kharashka Dawlada).

Talaabada saddexaad Oo ahayd inuu ku talaabsaday kordhinta dakhliga.

Waxa iyana ka mid ah horumarka uu ku talaabsaday wasiir yuusuf maxamed cabdi korodhka dhakhli.
Taas oo uu ahaa xiligii samaale iyo samsam dakhligu 2 bilyan
Maantana uu yahay 10 Bilyan
Oo waliba labada gobol Ee Bariga aan la dhisin.

Hagar daamooyinkii barbar socday horumarka uu ku talaabsaday Wasiirka horumarinta maaliyadda;

Iyada oo dedaalkaas, kobaca dakhli & horumarinta miisaaniyadeed la wado, wakhtiga uu xilka hayayna muddo kooban tahay, ayaa waxaan indhawaalaba arkayay dhaleecayn wajiyo badan leh oo warbaahinta loo marinayo Wasiirka horumarinta maaliyadda. Waxaanan u kuur galay in aan ogaado cidda & halka ay eedahaasi ka imanayaan + sababaha xagashada keenaya & ula jeedka dhaliisha & qadafka lagula kacayo wasiirul maaliyaha. Dhaliilahaas Oo aan ahayn kuwo wax lagu saxayo, balse daaran cadho ka dhalatay quudhi-waa, isir neceb, xoolo doon & magac-dil.
Mambaca ay ka soo burqanayaan eedahaasi & dhaliilahaasi Oo ku soo ururaya Wasiirkii horee maaliyadda mudane cabdicasiis maxamed samaale.


Isagoo kaashanaya niman ay ilmaadeer yihiin. Kuwaas Oo Uu u horeeyo;

1. Falalow Cali Gobanimo. oo falkiisii qaban waayay dawladda mujaahidka Ee balaayo xijaabka sidata.
2. Mukhalas Khadar indhaleeb. Oo waayay shaqadii mukhalasnimo ee uu u hayay samaale & samsam
3. Qabyaaladayste Cabdi Rashiid foore. Oo wasiir samaale adeer u yahay &
4. Qaar adeegsanaya magacyo qarsoon oo aan is-muujinayn.

Ula jeedka ugu weyn ee Cabdi Casiis samaale Oo daaran.
1. Doonis uu doonayo
inay Hargeysi noqoto Ceel Afweyn oo kale Oo dawladda tayyada badan Ee Madaxweyne Muuse Biixi-na la fashiliyo.
Iyadoo la ogaa wuxuu sameeyay Wasiir samaale Ee xumaan, musuq iyo qabyaalad ahaa.

Ugu denbeyntii;
Xumaha & neceybka uu u qabo samaale Wasiirka maaliyadda mudane yuusuf maxamed cabdi maaha imika uune way ka qoto dheertay.
Samaale wuxuu wasaaradda yimid yuusuf maxamed Cabdi Oo ah maamule kastam.
Isagoo samaale markiiba ka qaaday shaqadii maamule kastam ahaan.
Markii uu muddo bilaa camal ku ahaa wasaaradda dhexdeeda ayuu yuusuf deeq waxbarasho ka helay dawladda itoobiya isagoo machadka shaqaalaha dawladu uu direy Mudane yuusuf.
Markii uu Mudane yuusuf u baxay bilaabidda aqoon korodhsiga uu dalka itoobiya u tagay ayuu samaale ka joojiyay mushaharkii qoyskii Wasiir yuusuf maxamed Cabdi. Anigu waxaan ka mid ahaa ergooyinkii gaalaa bixinayay Wasiir samaale si aanu mushaharka uga joojin qoyska Wasiir yuusuf maxamed Cabdi maadaama uu waxbarasho ugu maqanyahay dalka dibadiisa dawladuna dirtay. Taas oo aanu ku guuleysanay hawl & tacab badan dabadeed.
Markii uu soo dhamaystay Wasiir yuusuf waxbarashadii uu itoobiya ugu maqnaa ayaa markuu sidaa u yimid-ba wuxuu shaqo ka helay haayad la shaqayn jirtay wasaaradda maaliyadda isagoo imtixaan u galay kuna guulaystay. Ayaa haayadii uga baahatay warqad uu Wasiirka ka soo qaato taas Oo kala cadaynaysa inay wasaaraddu ka maarmayso iyo in kale. Ku darsoo xiligaa yuusuf wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha dhex meeraysta xarunta  wasaaradda isagoon wax shaqo ah loo diran. Ayaa Wasiir samaale haayadii u qoray warqad odhanaysa yuusuf Kama maaranee qof kale oo idinla shaqeeya ayaanu idinku bedelaynaa halkii yuusuf. Waayo yuusuf maaha qof ay marnaba ka maarmayso wasaaradda maaliyaddu, iyadoo ula jeedka samaale uu daarnaa laba qodob;

  1. Xaasidnimo iyo

  2. Inuu booska haayadda ku bedelo inan uu adeer u ahaa.


Laakin haayadii ayaa ka gacan taagatay qof loogu bedelo booskii uu imtixaanka ku helay yuusuf maxamed Cabdi , ugu denbeyntiina sidii buu  haayadii kula bilaabay shaqadii.

Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela. Hussein H. Y Cadde. Hussein Badmah. Siciid Gaaxnuug. Siciid Geeljire. Xuseen Cabdi Nuur. Hussein Jama. Baxnaan Hussein Ahmed. Haji Hussein Haji Abdi. Abdi Yusuf Osman. Yusuf Kayse Abdi Laahi. Khadar Siilaanyo. Suxufi Khadar Maxamed. Khadar Nuur. Mohamed Abdi Ibrahim. Barkhad Hassam Johorson. Abshir Axmed. Cumar Gallow. Abdikareem Garas. Garyaqaan Jamal Cagoweyne. Garyaqaan Cabdiqani Xanan. Mawliid Maxamed Garyaqaan Mawliid. Garyaqaan Mustafa Aideed Osman. Khaddar Mahamed Askar. Xasan Cabdi Xaashi.

La soco qormooyinka denbe……..?

Allaa Mahad Leh.

 

Qalinkii: Gar. Keyse Koosaar Cilmi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker