Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Wadahadallo Ay La Leeyihiin Puntland

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay dhex dhexaadin beesha caalamku ay ka waddo dagaalka deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool ku dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan maamul goboleedka Puntland.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Sacad Cali Shire,ayaa sheegay in beesha caalamku ay soo jeedisay afar qodob oo ay ku sheegeen in ay aasaas u tahay nabad laga gaadho dagaalka Somaliland lagu soo qaaday. waxa kale oo uu sheegay in dagaalkani uu ka duwanaa isku dhacyadii hore u dhex mari jiray Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, balse kani uu ahaa duullaan iyo dagaal abaabulan oo qorshaysan, kana duwan isku dhacyadii hore deegaanadaas uga dhacay.

 

“Dedaalka caalamku wado sidii arrinta loogu soo afjari lahaa si nabad ah, waxay soo jeediyeen afkaar, waxaana ugu horreeya in xabadda la joojiyo, in xidhiidh la wada yeesho, maxaabiista in laga wada hadlo daryeelkooda iyo isu celintooda iyo in wada hadalkii dib loo bilaabo. run ahaanna intaba Somaliland way ku qanacsan tahay, waxaanay noola muuqataa in ay tahay jidka loo marayo in nabad lagu soo afjaro arrinta maanta taagan.” ayuu yidhi wasiir Sacan.

 

Wasiirku waxa intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Gobolka Sool dagaal uma baahna, xabad uma baahna, wuxuu u baahan yahay horumar, nabad ayuu u baahan yahay, nabadda ayaa lagu caano maalaa, waddan walibana xaqbuu u leeyahay in uu xadkiisa gaadho, markaad waddankaaga gudihiisa joogto cid kaa hortaagan oo kaa soo hor jeedda oo kuu diidi karta in aad xadkaaga gaadhaa ma jirto. arrinta imika taagani waxay tahay cid xadkeenna dibedda ka ah oo dadkeena iyo dalkeena ku soo duushay oo dibedda innagaga timi weeye.”

 

Wasiirka oo ka hadlayay kala duwanaanta dagaalo hore deegaanadaas uga dhacay iyo kan u dambeeyay ayaa yidhi, “horta way jireen isku dhacyo hore oo deegaanadaas uga dhacay oo Somaliland iyo Puntland ku dhex maray, laakiin kan imika ee ugu dambeeyay, dagaal laxaadkan leh oo sidan u aloosan oo qaylo dhaan leh oo miisaanka intaa leeg leh oo abaabulan waa kii ugu horreeyay, waana dagaal ka wayn habka uu u abaabulan yahay Puntland oo keliya, waana dagaal loo dhan yahay oo meelo badan laga hurinayo, waxaanan ugu baaqaynaa in ay joojiyaan colaadda ay hurinayaan kuwa soo abaabulaya,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire oo u warramayay Saab TV.

 

Sacad Cali Shire oo wax laga waydiiyay tallaabooyinka uu qaaday Raysal-wasaaraha Itoobiya Aby Axmed, ayaa yidhi “cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeyaa waa mid taariikhiya, waa mid jaarnimo, waa mid labada dal ay wadaagaan oo saaxiibtinimo iyo daneed oo soo jireen ah, in uu sii wanaagsanaado mooyaane hoos u dhici maayo, is bedelada uu Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya Aby Axmed uu wado waa kuwo siyaasadeed oo uu ku doonayo in uu ku demiyo isku dhacyadii u dhexeeyay dalkiisa iyo dalalka deriska iyo xaaladihii ka jiray dalkiisa gudihiisba, waanan soo dhawaynaynaa, waxaanay u muuqataa in uu doonayo in uu iska demiyo dab kasta oo dalkiisa saamayn ku yeelan kara, ka dibna uu diiradda saaro dhanka dhaqaalaha. markaa tallaabo kasta oo wanaagsan oo nabad iyo horumar ah Somaliland way soo dhawaynaysaa.”

 

 

Oodweynenews Hargeysa office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker