Mudaharaado Ka Socda Waqooyiga Itoobiya

Dibedbaxayaasha ayaa maalintii labaad isugu soo baxay waqooyiga Itoobiya si ay u muujiyaan in ay ka soo horejeedaan warbixintii ay dowaladda toddobaadkii hore ku dhawaaqday oo ahayd in dowladdu ay Eritrea ku wareejineyso dhulka la isku haysto ee ku yaallo xuddudda Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in dibadbayasha ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah go’aanka dowladda.

Waxa ay sheegeen haddi go’ankaasi laga dhabaayo in uu noqon doono mid xushmad laan ka dhigayo kumanaankii qof ee ku dhintay dagaalkii Eritrea ee ku salaysnaa soohdinta ee dhacay 1998 ilaa 2000.

Xisbiyada siyaasadda ee waqooyiga Itoobiya ayaa sidoo kale ka soo horjeestay qorshahaan cusub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker