Madaxweyne ku xigeenka JSL Oo Koobab Gudoonsiiyey Kooxihii Ku Guulaystay Tartankii Kubadda Cagta

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay galab ka qaybgalay soona xidhay tartanka Bisha Ramadaan ee kubadda cagta uga socday kooxaha heerka labaad Garoonka Xawaadle oo ay ugu danbayntii isugu soo hadheen laba kooxood oo ku ciyaarayey magaca Barre Constriction Company iyo Gaafane Power, ciyaartaas oo guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay Barre Constriction Company oo iyadu rikoodheyaal ku qaaday koobkii kooxaha heerka labaad ee bisha Ramadaan.

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku koobabkii kaalinta kowaad iyo labaad kala gudoonsiiyey labada kooxood ee isugu soo hadhay kama danbaysta tartankaasi, oo iyagu soo bandhigay ciyaar wanaag aad u raaligelisay daawadayaashii ciyaarta ka soo qaybgalayoo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay dhinacyada ka fadhiyeen wasiirada Dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Caddaaladda.
Waxaana sidaasi lagu soo afmeeray tartankii bisha ramadaan ee garoonka xawaadle uga socday kooxaha heerka labaad ama B-da, sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku abaalmarino gudoonsiiyey ciyaar yahanadii intii tartanku socday la abaalmariyey.

Image may contain: 2 peopleImage may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 41 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 2 peopleImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and people sittingImage may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker