Madaxweynaha Puntland oo xilalkii ka qaaday Agaasimayaasha Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

                Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

2. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker