” Khasaare ka ballaadhan kii hore uu ka dhalan doono colaadda gobolka Sool, haddii aanay  Somaliland si deg deg ah uga bixin dhammaan degaannada ay ka joogto ” Wasiirka Warfaafinta Puntland

Garoowe(OWN)- Wasiirka warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland,Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garoowe uga hadlay,saddex arrimood oo ku saabsan colaadda Puntland iyo Somaliland ee ka aloosan gobolka Sool.

 

Wasiirka Warfaafinta ayaa dhinaca kale caddeeyay in Puntland aaanay  wax wada-hadal ah ka geli doonin xuduudaheeda Dastuuriga ah, islamarkaana aanay  jirin wax laga wada-hadlo inta Somaliland ku sugantahay taako kamid ah degaannada Puntland.

 

Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in khasaare ka ballaadhan kii hore uu ka dhalan doono colaadda gobolka Sool, haddii aanay  Somaliland si deg deg ah uga bixin dhammaan degaannada ay ka joogto gobolkaasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker