Isku Shaandhayn Lagu Sameeyey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa Isku-shaandheyn iyo iksu bedel ku sameeyey Agaasime waaxeedyada iyo isu duwayaasha gobolada ee Wasaaraddaasi.

 

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, kaas oo lagu shaaciyay magacyada iyo xilalka agaasimayaasha la magacaabay iyo kuwa isku bedelka lagu sameeyay.

 

Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:- “Ka dib markaan darsay hawsha Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryaha Muddo 5 bilood ah Ka dib markaan la tashaday Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ka dib markey laga maarmaan noqotay shaqada Wasaaradda iyo kor u qaadida mooralka shaqaalaha. Haddaba Waxaan badel, isku shaandhayn iyo dib u Magaacibis ku sameeyey Agaasimayaasha iyo Isuduwayaasha Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryeynta waana sidan hoos ku cad.

  1. Maxamed Jaamac Diiriye (La Taliyaha Wasiirka Arimaha Maamulka);
  2. Eng: Cabdi Cabdilaahi Dagaal (La Taliyaha Wasiirka Arimaha Dhulka);
  3. Eng: Shukri Mukhtaar Xasan (Agaasimaha Waaxda Tayadda iyo shuruucda dhismayaasha);
  4. Cabdiraxmaan C/llaahi Daahir (Wirdaani) (Agaasimaha Xidhiidhka iyo Isuduwida Hawlaha Gobolada);
  5. Eng: C/raxmaan Maxamed Aar (Agaasimaha Waaxda Naqshadayenta Magaalooyinka);
  6. Yuusuf Siciid Axmed (Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha);
  7. Sharmaarke Maxamed Saalax (Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta);
  8. Eng: Ciise Maxamed Ciise (Agaasimaha Waaxda Qorsheynta);
  9. Eng: Cabdi Yuusuf Riiraash (Agaasimaha Waaxda dhismaha);
  10. Eng :Maxmuud Maal Cali (Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Guryaha );
  11. Eng: Cabdixaafid Ciise Faarax (Isuduwaha Gobolka Togdheer);
  12. Maxamed Khaliif Nuur ( Isuduwaha Gobolka Sanaag);
  13. Maxamed Cabaase X. Muuse ( Isuduwaha Gobolka Buuhoodle);
  14. Eng: Rooble Ciise Shacuur (Isuduwaha Gobolka Xaysimo).”

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker