Gudoomiyaha Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo Badh-tamaha Suuqa Hargeysa Ka Iibsaday Bakhaar uu Siistay Haaf-Milyan Doolar…., Isaga U Baahan In La Baadho

Hargeysa(OWN)- Hanti Dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Diriir, ayaa Badh-tamaha Suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa ka Iibsaday Bakhaar weyn oo u ugu talo-galay inuu Meherad ka furto.

 

Hanti dhawre Axmed Yuusuf Diriir, ayaa laga siiyey  Bakhaarkaas dhaqaale 500’000-shan boqol oo kun oo Dolar.
Bakhaarkan dhaqaalaha wareerka ah laga siiyey masuulka ugu sareeya hanti dhowrka qaranka Somaliland, ayaa ku yaala Sekedda kasoo horjeeda Ina Faarax Joome, kasoo hor jeedkiisa Wadaad Is-goyska ah, waxanu dacalka ku haya Farmasiiga Bilaal oo ay isku jago ku yaalaan, balse ay sii kala jeedan, sidoo kale waxa ku qabsan dhisme Fooq ah oo ka socda sekedda Kasoo horjeeda Ina Faarax Joome. Waxanu ku qabsan yahay aflax Istoor, isagoo u dheexaya fooqa socda.
Hanti dhowre Axmed Yuusuf Diriir, ayaa iibsaday Bakhaarkan markii uu ahaa Maareeyaha Dekedda Berbera,  isagoo haatana ku bilaabay dhismaha goobta guriga Bakhaarka dayac tir iyo dib u habaayn uu ku wado.
Hadaba waxa isweyn diin mudan xoolaha xadigaas leh ee Hanti dhowre Axmed Yuusuf Diriir siistay goob-ganacsiyaadkan isTaraatiijiga ah, sow maaha xoole qaranku lahaa, teeda kale sideebu hanti qaran u ilaalin karaa mid isaggiba cunaaya?. Suaalo jawaabtooda loo dhaafayo Akhrisyaasha.
Daawo sawiirada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker