Nasiib Darrada Xukuumadda Muuse Biixi Ku Dhacdey Haddii Biyo Tooni La Qorrayo Isagaa Loo Sheegayaa Ma jiro Wasiir Qof Shaqaaleyn Karraa

Waa Markii u Horeysay ee ay Taariikhda Soo Martey Somaliland In Madaxweynuhu Isku Arko In uu kawada Fiican Yahey,oo kawada Aqli Badan Yahey oo kawada Xuquuq Badan yahey Golaha kale ee Xukuumadiisa islamarkaana, uu ula dhaqmo sidii Shaqaale Wasaaradeed oo aanu Siinin Wax Ixtiraam ah iyo Wax Tixgalin ah, iyo in ay Muuqaal Sharaf iyo Qurux u Yihiin Golaha Xukuumadiisa.

Inkastoo,aaney Bulshada Reer Somaliland Waxba ukala Qarsooneyn Islamarkaana, waagii Beryba la isku Warqabo,Mudo kooban oo Golaha Xukuumada uu Soo Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ka muuqda in ay tahey Xukuumadii ugu tayo liidatey ee Somaliland soo marta, taas oo sababta ugu Weyni tahey Kalsooni darro isagu ka Qabo in uu Magacaabo Gole Xukuumadeed oo ay ka dhex Muuqdaan Siyaasiyiin Saamayn Leh oo Bulshada Wax kusoo Kordhin Karra oo Bulshada Mateli kara, oo  hal-abuur iyo hal tilmaanba leh  Maalin Walba Waxeynu arrgnaa Madaxweynihii oo Meel Cararaya oo aaney la Socon Wasiiro katirsan Xukuumadiisa inagoo iska dhawreyna Bisha barakeysan Habeenadii kheyrka lahaa ee aynu kujirno Golihii dhamaa waxa uu ka dhigey Ardey Malcaamad ugu Xeraysan.

Xaqiiqdii Sida dhabta ah maanta haddii la Qorayo Shaqaale hoosaadka ugu hooseeya ee Wasaaradd ama Hay,ad katirsan Golaha Dawllada Waxa loo Sheegayaa Muuse Biixi(Madaxweynaha),waa kalsooni daro kajirta Golaha Xukuumadiisa sababtoo ah haddii Wasiirku ku dhiirado in uu Qof shaqaale ah ama Xoghayn ah qaato Waxa uu ka baqayaa Muuse Biixi oo Qof la damacsanaa halkaa ayeydun isa seegi iyo amaro uu hore ugu Siiyay Huteelka Abaarso u dhaw markii uu Sibinaar ugu Qabtey ka hor intii aaney Shaqada galin taas,oo nasiib darro ku ah haybada Qaranka iyo Sharafta Dawladnimo midna in uu Umadda Xil Qaran u qabto ama Gudan karo Waajibaadkii u yaaley Qof bilaa kalsooni ahi,Waxaaney ta kajirtaa Golaha Xukuumadda laakiin Waxaa jirra dad aan Golaha ka tirsaneyn oo Shicib ah oo cid kasta oo ay u keenaan uu Qaadanayo,waa Shakhsiyaad Kooban oo aaney Wakhtigan Bulshadu Wada Arrag laakiin ay Wada yaqanaan intooda Aqoonyahanka ah iyo intooda indheer garadka ahi laakiin Wakhtiga Muuse Biixi hayya ayaa dadka Bulshada Somaliland oo dhan Barri doona.

Gabagabadii Waxaan kusoo Koobayaa Qoraalkeygan Waxa Nasiib Darro ah Hadii Qof Shaqaale ah(Biyo-Tooni),la Qorayo Hay,add Dawllada katirsan Waxaa Loo Sheegayaa Muuse Biixi(Madaxweynaha),

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tel:0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker