Ilaaladana U Ah Madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi Oo caalamka Ka Yaabsaday.

Adduunka ayaa mar labaad fursad u helay inay daawadaan ilaalada hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un , oo ku sii dhaweynaya Singapore. Balse arrintan ayaa ka tujumeysa nabad sugidda hogaamiyaha. Michael Madden oo ka fallooda arrimahas ayaa ka warbixiyey.

Marka aad ku sugantahay Kuuriyada Waqooyi , ilaaladda Mr Kim ayaa isticmaala saddex saf . Balse taasi ayaa la sii adkeeyay xilliga uu ku sugnan doono Singapore ,iyadoo ay dadka dhammaan indhaha ku hayan nimankan dharka madow xiran.

Habka lagu soo xusho ayaa waxaa ka mid ah dheerarka qofka, waxay u baahanyihiin inay la’eg yihiin dherarka hoggaamiya ugu sareeya ,aragoodana uusan lahayn wax dhibaato ah.

Waa inay muujiyaan inay leeyihiin xirfadaha sida xabadda loo rido iyo kartaayda, iyaga oo dadka iskaga dhicin kara gacmahooda, islamarkaasna loo tabobaray in ay u adkaystaan dhibaatada jir ahaan usoo gaari karta.

Markas ka dib ayaa loo ogolaanayaa inay noqdan ilaalada hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi , waxa ayna qaadanayaan tobabaro aad u adag.

Tobabarahan ayaa waxa ka mid ah sida loo isticmaalo qoriga gacanta iyo xarbidda .Dadka tobabaraya waardiyayaashan ayaa gala tartamo aad u adag,waxayna maraan xaalado adag si loo aqoonsado.

Dhanka hogaamiyaha waxaa u dhexeeya lix ilaa afar ilaalliyaal ah, labo ka mid ah ayaa ku ordo dhankiisa midig .Afar kale ayaa ayagana gadaal ku wehliya hogaamiyaha.

Waxay taasi astaan u tahay maamulkan, qaar ka mid ah shacabka Kuuriyada Waqooyi ayaa loo ogolaada inay qori ku qaadan agagaarka hogaamiyaha dalka.

Ilaalada Kim Jong-un ayaa ka yar kuwii ilaalin jiray aabihiis tiro ahaan .

Ilaalada ayaa ku labista dharka galbeedka ,sida lagu arki doono marka ay yimaadan Singapore, hase yeeshe habka kaliye ee ay wax isku gaarsiiyaan ayaa ah raadiyaha ,waxay isticmaalan dhar gooni ah oo lagu aqoonsado iyo haddalo maldahan .

Waxaa jira xafiis gaar ah oo qaabilsan hawlaha illaaladan, waxaan hadda diyaar u ah 200-300 oo ilaalo ah, iyadoo qaar ka mid ah ilaalada ay haystaan khibrad shaqo muddo 10 sano ah.

Madaxda ilaaladan ayaa ka kooban labo ilaa saddex safka ammaanka Mr Kim.

Waxaa jira xafiis kale oo qaabilsan illaalinta dusha sare ee hoggaamiyaha marka uu joogo dalkiisa iyo marka uu ka maqanyahay iyadoo xafiiska ugu weyn ay masuuliyadiisa tahay inay sugaan ammaanka dhismayaasha xafiisyada,meelaha gaarka loo leeyahay ee uu booqdo.

Baaritaan dhawaanahan laga sameeyey booqashada Mr Kim ee Singapore ayaa lagu ogaaday inay saddex diyaaradood uu ku yimaaday magaalada Pyongyang.

Ragga iyo dumarka ayaa ku howlan sidii ay ku taageeri lahaayeen howlgalka Mr Kim. waxa sidoo kale jirta waaxda caafimaadka oo u gaar ah hogaamiyaha, ugu yaran labo ka mid ah dadkan ayaa ku wehliyo Singapore.

Marka laga hadlaya ammaanka Mr Kim , waxaa jira labo waax oo arrintan oo kaliye ku howlan.

Marka lasoo xulayo illaaladan waxaa xitaa la baaraa tariikhda qoyskooda illaa awoowgood, waxayna u badanyihii dad xiriir la leh qoyska reer Kim iyo taliyeyaasha ciidanka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker