Qudbadii gudoomiya ucid faysal cali waraabe uu kaga hadlay ardayda reer putland ee jaamacda camuud oo la siyaasadeeyey .

Waxaa beryahan hadheeyey ama hadal hayntu social media iyo warbaahinta afka somaliga ah qudbad uu jeediyey gudoomiyaha xisbiga Ucid mr faysal cali waraabe kaas oo ahaa qudbad dheer oo dhinac kasta u socota ,laakiin waxaa laga soo qaatay in yar oo ku soo qaatay ardayda jaamacada camuud ee reer putland,taasi oo ay ka dhacday  hayaay ardaydii buu sidaa yidhi ,bal hada hoos ka akhri fikirkayga markaa qudbadaa dhegeystay siday illa tahay..

Horta dadkan ku abtrisda soomaali waxaan u malaynayaa in ay meel xun ku socoto meel xun way ku jiraane in ay ummaddo kale qabsan doonaan waddanka oo taariikhda lagu odhan doono dad somali la yidhaado ayaa geeska africa bero degi jirey ,waayo?hadladii ayaa sida ugu xun loo duwaan taasi oo xaga ugu xun loo leexiyo ,haddii aan u soo laabto qodobkayga ,horta qudbada faysal cali warabe aad iyo aad Ayaan u dhegeysta waxaan dhuuxay wuxuu kaga hadlay arday jaamacda camuud dhigta ee reer putland,marka hore qudbadani faysal markaan dhuuxay dadku waxay u leexiyeen xaggii xumad ,haday noqoto reer putland iyo dadka qaarkood ee reer borama ,waana beryo rabadaan in qofku wuxuuna odhan laga sheego . ilaahayna kaa aqbalimaayo soonka aad soomantay haddii aad hadal qof yidhi aad u rogto sida xun si ummaddu colaad iskugu qaado, aakhirna cadaaba ayaa kuu diyaar ummadd muslimiin ah oo aad dab ka dhex shido.

Haddaba faysal Cali waraabe wuxuu ka soo sheekeeyey arimo badan gaar ahaan dagaalka Tuko Raq ee u dhexeeyeya somaliland iyo putland ayaa wuxuu ku soo daray uu yidhi (waxaa dhigta jaamacada camuud arday kor u dhaaftay 200 arday waxaana degan borama dad ka badan dadka ka soo jeeda hargeysa markaa waxaan u sheegayaa reer awdal in reer keliya uun cadow lagu ahyen ee dhamaanteen cadow la inagu yahay ) kadibna wuxuu uga gudbay hadal kale ama topic kale ,kadib waxaa ka dhashay buuq badan ,hadba bal u fiirso ama hoos ka dhegeyso qudbadii faysal ,ma waxaa ku jirta arday reer putland ee jaamacda camuud ku jirta ha laayo ama waan laynaynaa ?waa maya waxaa jawaabo badan reer awdal iyo maamulkii jaamacda camuud iyo reer putland, horta aan marka hore bal aan suaal waydiiyo dadka ka jawaaabay hadalkii faysal cali waraabe ee u dhashay reer Awdal sideed ku ogaateen in faysal cali waraabe yidhi ardayda reer putland ee jaamacda camuud dhigta ha la laayo,jaamacda camuud waxay ku taalaa Somaliland ,faysal cali waraabe na xaq buu u leeyahay in tusaale ku soo qaato,qudbado horena wuu ku soo qaatay,laakiin siday u fahmeen ama uga soo jawaabeen reer putland in aad ku raacdaan maaha .marna faysal cali ma odhan ardayda reer putland ee jaamacda camuud ha la laayo ama Somaliland ha laga saaro waayo ardaydu meel kasta way ka dhigan karaan ,arday reer Somaliland way ka dhigan karaan koonfurta.

Siday aniga ila tahay fasal cali waraabe wuxuu u jeeday 200 oo arday oo reer putland ah ayaa jamacda camuud ka dhigata inagoo waxaas oo wanaaag ah samaynayna ayaa hadna Somaliland ,putland soo weerartay taasi waxay ka dhigan tahay beel keliya uun cadow kuma ahee idinka waa idinla cadow taasi macnaheedu yahay Somaliland qofka ku cadow ah idinkana waa in la cadow kadib waxaa loo bedelay hadalkii hayaay hayaay hayaay faysal baa ardaydii ha la laayo yidhi  taasi waxaan u arkaa isku dir dadka reer Somaliland.

Kuwa putland ka soo jawaabay waa qalad waxaad ummadda u sheegaysaan mid wuxuu yidhi reer borame Ayaan u haysanaa haddii ardaydaasi wax la yeelo ,midna wuxuu yidhi ardayda reer putland ha ka soo baxeen jaamacda camuud iyo hargeysa ,dawlada Somaliland waxay ku dhawaaqday in la laayo ardayda reer putland ee jooga Somaliland ,bal daawada qaladka iyo gefka ay ku hadleen nimankaas ka soo jawaabay putland,cidi kama hadlin oo uma jawaabi ,waa qalad waxay nimankaasi ku hadleen wax loo dulqaadan karo maaha .

Haddii aan soo gabo gabeeyo horta siday aniga ila tahay arinkani waa la siyaasadeeyto ama siyaasad baa ka danbaysa , haddii aan kuu yara sheego taariikhda soo martay Somaliland 26 june 1960 markii Somaliland xoriyada qaadatay ,waxaa looga faaiidaystay in iyaga dhexdooda la kala furfuro waanay ku guulaysteen ka dibna waxaa la liqay reer waqooyigii bilaa shuruud ayaa wax walba laga qaatay waayo ?reer waqooyigii qolaba dhina ayey u socotay ,ilaa samaroonkii la midoobay dhulbahante iyo wersegeli  wixii ku dhacna waad wadda ogtihiin ,markaa tii uun baa weli lagu socdaa sidii loo kala furfuri lahaa reer Somaliland maadaama ay Somaliland ku dhawaaqaday in ay ka go,day somalidii kale.

Guntii iyo gebo gabadii reer Awdal( be careful )marnaba iska jira taariikhdana dib u reeca waayihii la soo maray waxaanad ka ahaydeen dhisida Somaliland hormood ,aana la idinku sirin mar labaad samaroon waa aqooyahanka somaliya hadday sidaasi tahay maxaa maddaxweyne samaroon ah koonfur loogaq dhigi waayey ,waxay yidhaahdaa haa samaron waa somali weyn ayaana awrka lagugu kacsan mar labaad somali way is bartay ………

Mahadsid dhamaan

Ali Abdi Farah

Canada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker