Dowladda iyo dadweynuhu shaqooyinka soo ma kala laha?

Dowlad walba ama bulsho kasta waxay leeyihiin dad cayn walba leh oo hadday dowlad ama bulsho kale la xaalayaan midba ninka la nooca ah uu ku aaddan yahay.

Wax kale iska daaye marka wafdi la dirayo xubin kasta dhinac gaara ama nin la nooc ah ayuu qaabilsan yahay oo marka nin sharciyaqaan ah uu hadlo uma jawaabayo sarkaal ciidan ama dhaqaaleyahan ee ninka la takhasuska iyo shaqada ah ayaa u jawaabaya. Haddii qofku uu ka hadlo waxaan loo dirsan waa hubaal inuu guuldaro soo hoyinayo, isla markaasna uu shaqadiisii gabayo, nin kalena uu shaqo la’aan dhigayo maadaama uu shaqadiisii ka boobay.

Haddii oday dhaqan hadlo aynigiisa ayaa u jawaaba, haddii madaxweyne hadlo dhiggiisa ayaa la hadlaya, haddii fadhi ku dirirka nin ka hadlo ama meesha lugu qayilo noociisaa loo diraa ee gar maaha in madaxweyne ama suldaan isu qaawiyo ka jawaabista hadalada jaajaalayaasha iyo ragga fadhi ku dirirka sheekada hallaasiga ah iyo kaftanka ka tuuranaya.

Gabagabadii haddii la ixtiraami waayo takhasusyada iyo shaqooyinka la kala leeyahay ha u diyaargaroobeen madaxweynayaasha, isimada, dhakhaatiirta, culimada iwm in mid walba shaqadiisa lugu qabsan doono.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker