” Xukuumadiisa waxa la gudboon inay fahmaan in mashruuci KULMIYE kalaha Faysal ee WADDANI uu dhammaaday, sabab uu Afhayeen ugu noqdaana aanay meesha oolin …..”

Waa habeenadii khayrka badnaaye Alle danbigeena ha dhaafo. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waa waddan kaygii amma Xaramka aan joogo amma Xaafadayde wixii mudarro ku ah inaan ka tiraaba waa waajib waayo waa hoyga i huran ee aan naftayda iyo caruurtayda kula soo noqonaayo Insha Allah .Qadiyada hadalkii Faysal Cali Waraabe ee Ardayd rer Puntland ee Jaamacadaha Somaliland wax ku barta soo hadal qaadkoodu Qaranka ayay ceeb ku ahayd, Ninka Afhayeenka Puntland ee Qudhaanjo isna meelbu ka sii tuuray.

Mid Madaxweynaha Somaliland ayay la gudboon tahay midna bahda Saxaafadda. Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisa waxa la gudboon inay fahmaan in mashruuci KULMIYE ka laha Faysal ee la daguu WADDANI uu dhammaaday sabab uu Afhayeen ugu noqdaana aanay meesha oolin, Madaxweyne Muuse Biixi haddii xulashadii hore ee Xukuumaddiisu ka xumaatay dib haysugu noqdo oo Cid Afhayeen u noqota Xukuumadiisa iyo Qaranka ha cugto, Xisbiga UCID 4% ayuu kalsoonida shacabka haysta waaba Xaaran inuu Xisbi Qaran ahaada isagoo aan xitaa 20% gaadhin. Bal hadana amarka Illahay Faysal Yare maalin kasta Mikirifoonka ayuu haysta . Taas Madaxweynaha ayay la gudboontahay Haddii Alle ku duwaayo iyo haduu hareer maroba.

Midna bahdayda Warbaahinta ayay la gudboontahayo waxa weeye nin aan kalsooni shacab haysan, oo aan Madaxweyne la doortay ahay oo masuul Xil fulineed Xukuumadda ka haya ahayn oo Xisbi xitaa Gobolada ugu yaraan 20% ka keenin ah waa xaaran inuu Afka 4-ta Milyan ee Ruux ee Somaliland ku hadlo oo la yidhaado “Somaliland waxay qabta”. Somaliland Faysal Cali Waraabe Maha . Daarood ayuu 20-daqiiqo oo shir saxafadeed ah u kala tirinaayay Somaliland na wuu ka hadlayaa Beelaha ugu waa wayn Somaliland waa kamid xagguu wax ku wada makaasa wax laga qorayaa .. Waar wuu i danbaajinaya anigoo dikriyaay iba danbaaji.

 

@ Muniir Axmed Cigaal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker