Shirkadda ASLI MAYDI Oo Kiraysanaysa Goobaha Dalxiiska Buurta Daallo Maxayse Tahay Sababtu

 

 

Ceerigaabo(OWN) Sida la ogyahay Dhawr casho ka hor Suldaan-Cali Yuusuf (Badda-cas) oo sida uu sheegay wakiil ka ah Shirkadda Asli Maydi kana soo jeeda bulshada kudhaqan degaanka buuraleyda Daalo ee waqooyiga degmada Ceerigaabo iyo xubno weheliyey Waxay goobta dalxiiska ee buurta Daalo ka dhagax-dhigeen dhismaha xayndaab dheherkiisu gaadhayo 150 mitir iyo weliba Berkedo biyaha kaydin doona oo shirkadda ASLI MAYDI ka samaynayso goobta daawashada iyo dalxiiska loo tago ee halkaas ku taalla.

 

Haddaba wararka arrintan laxidhiidha qaarkood ayaa sheegaya inay jiraan qorshayaal aan weli soo shaac-bixin oo ay kamid tahay in Shirkaddan ASLI MAYDI waxqabadkaas kaddib mustaqbalka lawareegi doonto gacan-kuhayntooda islamarkaasna kirayn doonto goobahan dalxiiska ee Daalo oo lacag laga qaadi doono dalxiisayaasha goobahaas booqashada u tegi doona.

 

Waxay kaloo xoguhu tibxayaan inay qorshayaasha shirkaddaas kamid tahay dhir aan weli la aqoonsan oo buuraleyda Daalo ay rabto inay ku beerto halka wararka qaarkoodna sheegayaan in siidhka ama midhaha qaar kamid ah dhirta halkaas kutaalla oo Deyibku kamid yahay loo qaadi doono debedaha si dalalka geedkan aadka u daneeya looga iibiyo oo waddannadooda loogu beero dhirtaas.

 

Sikastaba ha ahaatee Shirkaddan ASLI MAYDI oo aan ahayn hay’ad samafal iyo hay’ad xukuumadeed toonna balse sida ay sheegato ah shirkad ka ganacsata Xabkaha/Faleenka Beeyada ayaa waxa in badan oo bulshada kamid ahi isweydiinayaan sababta ka danbaysa iyo ujeeddada ay ka leedahay waxyaabahan ay xilligan ka qabanayso buurta Dalxiiska ee Daalo.

 

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker