MAGAALOOYINKA WAXAY LEEYIHIIN SUUQYO NADIIFA IYO MEEL KUTAAFADDA LA DHIGO SIYAASADDUNA WAA SIDOO KALE OO DHINAC BULLAACADAY LEEDAHAY.

Magaalooyinku waxay leeyihiin dhul qudhunka iyo qashinka la dhigo oo eyes, dambeeyo, haad iyo riyo wax noocaasi ka dhex qadhaabtaan. Siyaasadda Somaliduna waa sidoo kale xaqiiqdii dhinac bullaacada oo dadka xummaanta iyo isku dirka qabaailka iyo gobolada iyo Distoor jebinta iyo musumaasaqa waxaa ku lug leh. Markaa Faysal Cali Waraabe illaahayba tan iyo kacaankii Mohamed Siyad Barre illaa yomanaa hadana) siyaasada wuxuu kaga jiraa Dhinaca bullaacadda iyo cayda dadka iyo laaluush qaadashada. Haddaad raadkiisa dib u milicsataan waxa cay, meel ka dhacay, laaluush qaadasho, dhabar jebinta hadlayaa qaranka, musharax boobka, Jamal dhicidiisii BAKHTIGU U XALLAASHA AHAA, daba dhilifnimada kolba Xukuumaddii Joogta. Wuxuu ku caan yahay carrab datable iyo AF qalloocan.

Iintaasoo jeer buu Distoorka Somaliland jebiyey meel baanay u taal oo Mar uun Bay dhici in maxkamad da la soo taago. Maantuu ugu darraa oo uu ardaydii Jamacadaha uu reer hebel u kala soosoocay oo dagaalka TUKA-RAQ ee siyaasada qaldan lagu galay ayuu leeyahay baayac mushtariyoo dhan ha la kala gurto.
KULMIYE IYO FAYSAL isctiraafkii way ku fashilmeen, doorashadii way ku fashilmeen oo shacabka halkuu kala joojiyaan way muuqataa, Sicir Bararkii way ku fashilmeen, Kulmiyihii hore hogaankii dalka wuu ku fashilmay SIILAANYO. Dagaalkii CEEL-AFWEYN way ku fashilmeen, wada hadalkii Somalia way ku fashilmeen, Dawlad wada lahaanshihii Somaliland way ku fashil meen, Dantii guud boobkeedii way ku fashilmeen, XAALADDA Gobolkaa SOOL way ku fashilmeen. Waar Madaxweyne Muusaw is daba qabo oo Faysal Ali Waraabe Macakadda soo taag illay Buurmadaw iyagaa ka dembi badan oo ka Distoor jebin badan oo ka AF xun ka isku dirka badan.
Faysal haddaan maanta dalka laga qaban meel fog baa laga dooni doonaa imikuu Somaliland dhex joogaa maxakammada ha lagu oogo.
Faysal wuxuu dunida tusayaa inaan Somaliland Dawlad ahayn oo qannuun ku si daeladnimo u shaqayn. Wuxuu noqday HOORAAYIHII SAYAASADDA.
MBASHE (MEERKAT)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker