Madaxweyne Muuse Biixi oo Si Qarsoodi ah Haweenay Madaxtooyadda ka shaqaysaa Ugu Magacaabay Inay Maamusho Afar Mashaaric oo ka Socda Berbera iyo Bulshada oo laga Qariyey….

Ilo wareedyo ka ag-dhow Qasriga dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyadda, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi haweenay Kamid ah hawlwadeenada Madaxtooyadda u magacaabay inay madax u noqoto afar Mashruuc ka socda gobolka Saaxil. Haweenaydan ayaa lagu magacaaba, Ifraax Ayuub, waxanay dhalasho ahaan kasoo jeedaa degmada Sayla bari ee gobolka Maroodi-jeex.
Mashaaricdan loo magacaabay Ifraax Ayuub oo muddo Kamid ahayd gacan-yarayaashii Marwadii hore, isla markaana ilaayo hadda ka hawlgasha Madaxtooyadda, ayaa sida xoggaha u dhuun-daloola qarsigu sheegeen, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay,inay maamusho, isla markaana madax u noqoto afar Mashaaric, kuwasoo kala ah, DP World, Free-zone, Saldhiga Berbera iyo sidoo kale Mashruuca berbera Corridor.
Wararkan oo laga kala helaayo, masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba qaar Kamid ah gacan-yarayaasha ku sugan madaxtooyada, ayaa daaha ka fayday ujeedada Madaxweynuhu u si rasmiya ugu shaacin waayey magacaabista haweenaydan inay maamusho afartaas mashruuc, in laga qarinaayo shacabka gobolka Saaxil, oo kasoo horjeesan doona hadii ay maqlaan.
Talaabadan, ayaa dadka xoggahan lá socdaa ku tilmaameen inay hor-dhac u tahay dagaal ka dhan bulshada Saaxil oo Madaxweyne Muuse lá bar tilmaameedsanaayo, iyadoo ay xaq u lahaayeen shacabka deegaankaasi inay mashaaricdaas maamulaan.
Teeda kale, dadka aragtidaas qabaa waxay sheegayaan in afartaas mashruucbaa afar qof oo reer Saaxil ah inay madax ka noqdaan ay ahayd. La soco wixii kasoo kordhaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker