MAALINTA CAALAMIGA AH EE QUDDUS (JIMCAHA UGU DANBEEYA RABADAAN)

Maanta waa maalinta caalamiga ahayd ee QUDDUS. Waxaa markii ugu horraysay 1979 kii ku dhawaaqay dawladda Eeraan, si loo muujiyo garab istaagga dadka falastiiniyiinta ee dhibaatada joogtada ah ay ku hayaan Isra’iliyantu. Maalintani waa JIMCAHA ugu danbeeya ee Rabadaanta Sanadkasta. Sannadkan meelaha aadka looga xusay waxaa ka mid magaalooyinka ay Xuutiyiintu haystaan ee Sanca iyo magaalooyinka kale ee Yaman, Magaalooyinka Siiriya, Magaalooyinka Libnaan ee Xisbillah awoodda ku leeyay, Ciraaq magaalooyin ka mid ah iyo Dalka Eeraan. Waxaa iyaguna jira meelo kale oo reer galbeedka iyo dalal kale oo islaam ah oo bannaan baxyo laga sameeyay sida Indunuusiya.

 

Haddaad u fiirsato meelaha laga xusay waa meelaha Shiicadu maamusho ama awoodda ku leedahay. Quddus waa Qaddiyad islaam ee maaha mid carbeed iyo mid falastiin toona. Sidaas oo ay tahay dalalka Islaamka Sunniga sheegtaa maanta cid dareenkaas muujisay ma muuqato, taasi ma sheegayso in aan qaddiyaddaas laga midaysnayn iyo in laga soo horjeedo toona. Laakiin waxaa cad in Madaxda dalalka carabta iyo Sunniga kaleba ay yihiin lahaystayaal iyo danaystayaal aan damiir iyo dadnimoba lahayn.

Haddaan u soo noqdo dalkeenna waxba kama duwanin kuwan danbe ee aan sheegay. Waxaaba se inoo dheer in dhalinyaradeenii iyo aqoonyahankeennii oo u batay dad aan qiyam iyo mabda’ ay u nool yihiin jirin, dad aan garanayn yaad tahay? Maxaad u nooshahay? Maxaa lagaa sugayaa? Diintaada iyo dadkaagu muxuu kaa sugayaa?. Waxaan aad ula yaabay toddobaadkan oo dhan waxaa faysbuugga haystay “Befor iyo After”, Taas oo macno allaale macne ku jira aan garan waayay. Maanta oo ay maalintii Quddus ee caalamiga ah ahaydna cid hadal haysaba arki maysid, xattaa ciddii niyadda ku haysa waxaas iyo wax la mid ah iyo faaliye ayaa wareeriyay. Waxaad sidoo kale arkaysaa madaxda dalka oo maalmo ciiddaa ka badan oo wada madhan xusaya, ka hadlaya; iska qiiraysiinayana iyo waliba hay’ado iyo deeqbixiyayaal lacag badan ku bixinaya maalmahaas!!!!!.

 

Waan AAMINSANAHAY in maalin uun QUDDUS XOROOBI doonto oo dhibaatada ka bixi doonto, laakiin waxaanan hubin inaan goob joog u aahan doono. Waxaan kula talinayaa dhalinyarada; aqoonyahanka iyo indheergaradka soomaalidu inay iswaydiiyaan noloshaadu maxay dunida ku soo kordhisay? Maxaad dadkaaga, dalkaaga iyo diintaada u qabatay?. Su’aalahaas iyo kuwa la midka ah jawaabahooda ayuunbaa kaa dhigi kara qof noloshiisu micno leedahay ama qof iska nool sida XOOLAHA!!!!!!!!!!.

WAA LA ISKA NOOLAANAYAA, NACASNIMO KA WAYNI MA JIRTO.

Cabdifataax Rashiid Maxamed

08/06/2017

Hargeysa, Somaliland

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker