WAA KUMA GENERAL MORGAN

Beryahan waxaan baraha bulshada ku soo noqnoqonaysay magaca general morgan kaasoo siyaabo kala duwan looga hadlayey iyadoo dadka qaarkoodna soo tebinayeen inuu dagaalkii tukaraq ku dhaawacmay oo markii danbe dhaawacii ugu dhintay magaalada nairobi waa dhab waa la wada dhimanayaa naf kastaana geerida maalin ayey dhadhaminaysaa general morgan ku jecel iyo ku neceba maalintiisa ayuu dhimanayaa shar iyo khayr wuxuu shaqeystayna la gudoonsiinayaa waxaanse la yaabay dad general morgan la hayb ah oo nooga dhigaya cir ka soo dhac waxaan facebook ku arkayey qof account buga oo magaca morgan ku qoran yahay isticmaalaya oo leh balanteenu waa laascaanood halkaas ayeynu isku wareysanaynaa qofkaas oo dad dhawr boqol ah ka cadhaaysiiyey oo ay faalooyin kala duwan ka bixiyeen waxaan bulshada u sheegi lahaa horta morgan waa kuma

general maxamed siciid xirsi morgan wuxuu ahaa dadkii kacaankii octoober 1969 u dhashay ee ka faa,iiday kana helay jaanis waxbarasho sare oo dalka debediisa ah qaab dhismeedkiisa iyo xiisihii uu u hayey askarinimada ayaa ka dhigtay inuu hadh iyo habeen ku jeeni qaarnaado deriska ciidanka iyo labo baaskalood oo uu sida kaabooyga dhinacyada ka laalido  taasina waxay u horseeday inuu ka mid noqdo saraakiisha ilaalida madaxweyne maxamed siyaad barre isagoo aakhirkiina guursaday gabadh uu madaxweynuhu dhalay taasoo sii kordhisay aaminaadii iyo kalsoonidii madaxw ynuhu ku qabay

inqilaabkii dhicisoobay 1978 kaasoo niman isku wada hayb ahi soo maleegeen ayna hogaaminayeen kornayl  ciro iyo kornayl  cabdillaahi yuusuf  general morgan wuxuu ahaa maskaxdii ka danbaysay ee fashilisay sababta fashilka waxay noqon kartaa inuu sodogii iyo tolkii kala doortay oo sodogii raacay amase inuu si kale uun uga biyo diiday nimankii ilmadeeradii ahaa ee inqilaabka watay koleyse isagu fashilintaas waa ka faa,iiday oo xil iyo xasaanadba waa ku helay tolkiise may mahadin

xili ku beegan 1983 ayaa morgan oo gaashanle dhexe ah waxaa loo dalacsiiyey gaashaanle sare waxaana taliye qaybeed loogu dhigay qaybtii 21aad taasoo fadhigeedu ahaa gobolada dhexe soomaaliya beryahaas uun bay ahayd markii koox jabhadii ssdf ah oo cabdillaahi yuusuf wato intay soo hor gashay ciidan itoobiyaan ah ay dagaalka ku soo qaadeen kuna qabsadeen magaalooyinka balanbale iyo goldogob taasoo keentay in markii ugu horeysay dhul jamhuuriyada soomaaliya ka tirsan calan iboobiyaan ah laga taago iyadoo ciidanka itoobiyaankuna u diideen in calanka ssdf laga taago labadaas magaalo ee ay qabsadeen oo weliba ay ku toogteen mid jabhadii ssdf ahaa oo doonay inuu calankooda taago

dhinaca kalena gudaha gobolada gudug iyo qaybo nugaal ah waxaa ka dhici jiray hawl galo ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo jabhadii ssdf ka fulin jirtay general morgan waxaa amar lagu soo siiyey inaanu ka gudbi karin diilinta difaaca ciidanka soomaaliya oo aanu weerari Karin ciidanka itoobiyaanka ah ee haysta balanbale iyo goldogob  laakiin waxaa la faray inuu ugaadhsado ciidankii ssdf ee hawl galada ka fulin jiray gudaha gobolada mudug iyo nugaal

runtii mar labaad general morgan hawl galkiisii waa ku guulaystay oo nimankii ssdf kaadidooda ayuu kalax ku shubay taasoo soo dedejisay inuu ssdf ka adkaado isagoo dhexdooda ka samaystay wakiilo xogta u soo gudbiya double faces waxaana dhici jirtay hawl kasta oo jabhadu soo diyaariso intaanay ka soo amba bixin fadhiisimadooda in xogtooda heli jiray inta ciidankooda yahay halka ay ku wajahan yihiin iyo hubka ay sitaan kol hadii cadawgaaga aad ka digniin heshana ka guulaysatay aakhirkiina waxaa taako taako u wiiqmay awoodii ssdf waana tii markiii danbe keentay in cadhadii itoobiyaanku kula dhaco cabdillaahi yuusuf oo jeelka u taxaabo

general morgan oo noqday kaadir kacaankuu mahadiyey waxaa sanadkii 1886 loo dalacsiiyey derejada general waxaana loo soo bedelay qaybtii 26aad ee dagaalka qadhaadh kula jirtay xoogagii snm iyadoo la filayey in sidii uu ssdf uu uga adkaaday inuu snmna uga adkaan doono mase dhicin bilowgii generalku wuxuu isku dayey inuu xiisadii kacsanayd ee magaalada hargeysa dejiyo oo bulshada sida dhalinyarada iyo haweenka xidhiidh dhaw la samaysto oo dadka indhahooda ku jeediyo daawashada ciyaaraha iyo riwaayadaha iyo tartanka quruxda waxaase wax waliba fashilmeen markii sarkaalkii haystay nabad sugida oo la odhan jiray axmed aadan  iyo ciidankii  ilaalada u ahaa si badheedh ah loogu laayey suuqa hargeysa goor habeenimo bishii January ee 1987 maalintaa wixii ka danbeeyey general morgan wuxuu u muuqday sidii naakhuude dooniyi badweyn kula xumaatay kaasoo ku asqoobay xal u helida cilada doonta haleeshay mar kastana xaaladu waa ku sii adkaanaysay

waxayna aakhirkii keentay in morgon xal kama danbays ah u arko warqad qarsoodiya taasoo uu u diray madaxweyne siyaad  barre oo sodogii ahaa warqada oo loo bixiyey warqadii dhimashada (death letter) waxay soo koobaysay siyaabaha lagu laciifin karo ee lagaga guulaysan karo qabiilka isaaqa iyadoo la isticmaalayo istraatijiyad balaadhan oo wejiyo badan leh illaahay amarkii waatii warqadii fashilantay ileyn sirmaqabe allaah ayaa u sahane  ee caalamku ka qayliyey

waxba yaan hadal idinku daaline 31 may 1988 saacadu markay ahayd 2 habeenimo ayaa  xoogagii snm ka soo galeen magaalada hargeysa dhanka koonfur galbeed waxayna  weerar ku ekeeyeen taliskii qaybta iyo xerada birjeex oo ahaa ubucdii ciidankii fashaqta ee qaybta 26aad  hadii morgan la weydiin lahaa hadmay kuugu darayd oo uu si daacad ah uga warami lahaa waxaan hubaa inuu habeenkaasi u ahaa habeen madow aakhirkii markuu ka war helay in difaaciisii la soo jiidhay wuxuu si dhuumaalaysi ah uga baxay gurigiisii isagoo wata labo gaadhi oo taariko shicib wata labada gaadhi kan hore waxaa waday gaashaanle food cadde oo xoghayhiisa gaar ahaa iyo labo askari oo dhar cad ah kan danbane waxaa waday morgan iyo labo askari oo car cad wadada garoonka diyaaradaha tagta ayey afka saareen morgan wuxuu xusuusan yahay sidii dhibta yareyd ee cadceed oo ahaa taliyaha gaaska 3aad  loogu dilay gurigiisii magaalada burco afar cisho ka hor wuxuuna go,aansaday naïf meel ay la gaadhaba inaan gurigiisa loogu iman ugu danbaystiina wuxuu gaadhay airport oo uu diyaarad uu lahaa ku ogaa balse captainkii ayaa u sheegay inay halaysan tahay sidaas ayuuna habeenkii garoonka ugu baryey

la soco qayb kale oo xiiso badan waxaa waagu ugu beryey hargeysa iyo talaabooyinkii  ugu horeeyey ee morgan qaado

jaamac cabdillaahi suleymaan

cigaal215@gmail.com

Berbera somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker