S/land iyo P/land geeri guri tabo mooyee geeri feed tabo ma leeyihiin?

Soomaalidu markay geerida tolka gashay u muujinayaan wax fudud oo aan tolka wax ka dhimayn ayay isticmaalaan oraahda ah: “Reer hebel geeri geed tabo ma leh ee geeri guri tabo ayay leeyihiin” oo looga jeedo geedka tolku isugu yimaado lama dareemayo in reerka rag ka le’day farabadni awgeed laakiin ninkaas ama raggaas le’day waxaa laga tabayaa guryihii ay ka yimaadeen oo waxaa tabaya waalidkii, carruurtii, xaasaskii iyo xigtadii hoose.

Waxay kale oo yiraahdaan markay farabadni ku faanayaan “hanqaraarac lug uma dhutiyo” oo ay uga jeedaan ragga naga dhintay awooddayada waxba ka badali maayaan, sida aan hanqaraaracaba lug ka go’day socodkiisa wax uga badalayn.

Doodda in aynu tiro badanahay oo aynu laandheere nahay iyo in kale dib baynu uga hadli doonaa laakiin hadda waxaynu ka eegaynaa inta la isku waafaqsan yahay oo ah in ragga dagaalada lugu laynayo guryihii ay ka yimaadeen laga tabayo.

Haddaynu kaba soo qaadno in aan tolku tabayn rag laga laayey ama aanu u dhutinayn soo gar maaha tolku inuu u naxo oo ka danqado raggaa sababtiisa loo laayey waalidiintooda gablamaya, xilahooda asayda qaadaya iyo ubadkooda agoomoobaya?.

Waxay ila tahay qofkii caqli iyo damiir leh inuu arrintaas dareemayo, kana danqanayo. Qabiil iyo dowladna waa labo weel oo dadka lugu uruuriyo ee wax badan kuma kala duwana marka la eego arrinta aan ka hadlayno.

Haddii ragga beesha ama dowladda dagaalgalinaya aysan dareemayn xanuunka ragga le’enaya iyo xanuunka dadka ay ka tagayaan waxaa lagama maarmaan ah in la keeno xeelad madaxdu ku dareento baaxadda xanuunkaas leeyahay.

Waa in dagaalka ay ka soo qaybgalaan madaxda lafteedu ama ugu yaraan nin walba uu keeno wiilkiisa, walaakiis iyo xigtadiisa hoose; si ay shacabkooda ula dhadhamiyaan xanuunka dagaalku kaga tagayo, isla markaasna ay u qaataan mawaaqif iyo go’aano dadkooda ka turjumaya.

Madaxda aan doonayno inay dagaalka ka qaybgalaan ama wiilashooda iyo walaalohood diraan waa madaxweyneyaasha iyo ku xigeenadooda, golaha wasiirada, golaha baarlamaanka, golaha guurtida iyo saraakiisha sare ee ciidamada.

Nin walba marka uu arko maydka wiilkisa ama walaalki oo xaasku ku oydo ama hooyadi ku baroorato ama caruurtii uu ka tagey isla qayliyaan ayuu dareemayaa dhibta ay qabaan afooyinka, hooyooyinka iyo carruuraha badan ee qofkay fiirsanayeen laga diley laakiin haddii nin walba wiilashiisa jaamacado dibada ah geysto, isaguna meel aan xabbadi gaarin fadhiyo xaalkoodu waxaa weeye “ geeri nin aadan aqoon iyo geeljire ayay ku fiican tahay” ama “geeri aqoon bay kugu dishaa”.

Gabagabadii haddii intaa la samayn waayo sida hadda xaalku yahay luguma sii socon karo ee waxay noqonaysaa in dib la isugu noqdo oo arrinta wax badan la iska weydiiyo.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker