Puntiland oo dooneysa in la weeqo Somaliland

Dhambaalkani waxa uu ku socdaa cidkasta oo degan ama u dhalatey wadanka Somaliland. Waxa si qoto dheer loo ogaadey lana haya burhaan faro-badan in qabiilka degga Puntiland uu u tafo-xatey maanta maahaana berri hore in uu waxay doontaba ha ku qaadato weeqo, candhada-gooyo, dhabarka ka tooriyeeyo Somailand. Weeqistaasi ma aha mid ku socoto hal qabiil ama labo ama cid gaar ah ee waa mid loogu talo-galey reer Somaliland oo dhan.
 
Waxa laga soo ogaadey hey’ado faro-badan oo caalami ah, deggana inta badan Kenya, Ethiopia iyo Djibouti ay had iyo habeen u qorayeen been abuur faro-badan oo lagu weeqaayo jiritaan ummadda reer Somaliland. Waxay dunida dacaladeeda ku daadsheen ama ay ku fidiyeen khariidado ama maabab ay sameysteen oo qeyb ka mid ah Somaliland illaa Sheikh ay ku darsadeen gobolka loo yaqaan puntland. Waxay qorteen in ay ay tiradoodu tahay boqolkiiba 50% tirada somali oo dhan, wxay sheegteen in boqolkiiba 40 ay ka yihiin gobolka Kismaayo ama jubadda hoose, waxay qorteen in ay boqolkiiba 40 ka haan jireen gobolka Benaadir. Waxay qorteen in ay yihiin qabiilka Somali ugu hanti-badan, ugu cilmi badan, ugu ilbaxsan ayna soo ahaayeen qabiilka xukuma meesha loo yaqaan Somali.
 
Si ayna u fashilmin oo aanu adduunku u ogaan meesha ay taagan yihiin waxay naruuro u arkeen in ay weeqaan Somaliland si aanay u helin ictiraaf oo sheekadii beenta ahayd aany dib u soo faqmin. Waxay addunka meel walba mariyeen in Somaliland ay tahay gobol uu wax allaale wixii xagjir ahi ama sida loo yaqaan argagixso ah magacay doontaaba ha wataan eh uu ka soo duulo Somaliland oo dhamaan dadka ku nool Somaliland ay yihiin ku argagixso ah loona baahan yahay in addunweynuhu u midoobo sidii gacanta loogu dhigi lahaa.
 
Waxay u direen Qaramada midoobey in ciidamo AMISON ah iyo kuwo Talyaani ah la keeno Laadcaanood iyo Tuko-raq inta u dhaxeysa. Waxay gacan saar la leeyihiin Abdi Illey iyo Madoobe iyagoo ka duulaaya qabiil qadhmuun. Waxay dacaayad faro badan ka sameeyaan oo ay qoraal ku bixiyaan qaaradaha addunka oo dhan. Waxay xafiisyada UNta oo dhan ka faafiyeen una qeybiyeen Maabab sheegaaya in Illaa degmada sheekh ay tahay dhulka la isku heysto.
 
Waxay qeybiyeen qoraallo faro-badan oo ay ku baabiinayaan maamulka Somaliland, kuna sheegayaan in uu yahay mid xuquuqdii dadweynaha reer Sool, Ceyn iwm ku xad gudbey oo gabdhaha kufsada, hantida dadkaas dhaca, jeelasha ku buuxsha, oo si aan arxan lahayn u ciqaabaaya dadkaas hartiga ah. Waxay masalaan aflaan been ah oo ay ka masalayaan in dadkaas dhibaatada heysata ay cadeymo u hayaan.
 
Waxay afka u dhuubaan hadh iyo habeen ciidamada mareykanka iyo ku yurub meel kasta ha joogaan eh, ayagoo ku qancinaaya ama isku dayaya in ku qanciyaan ciidamadaas shisheeye in Somaliland tahay meel argagixiso oo loo baa hanyahay in samada laga duqeeyo. Meesha ay si weyn ugu guuleysteen in wax laga dhegeysto waa Nairobi oo ay si fiican ula caweeyaan hey’adahaas.
 
Dhambaalkan waa mid keliya ku boorinaaya ummaddaas la daalaaa dhaceysa nolol maalmeedkooda, duufaano iyo abaarana ay cadkooda koosteen in ay ogaadaan in caqabaduhu iska badan yihiin oo loo baahan yahay in la foojignaado. Somaliland cidda aan arki karin, Somaliland cidda aan maqali karin, Somaliland cidda aan urin karin, Somaliland cidda aan qalbiga siin karin, Somaliland cidda aan marnaba liqi karin…………………..horeyna waa loo ogaa maanta wey qaawismeysaa!
 
AOA
askaramir72@yahoo.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker