MADAXDA PUNTLAND GAALNIMAY KU DHACEEN XAGGA XUDUUDHAHA – DACWADOODA AH ( ALLAH vs INGIRIISKA)

Waajibku  wuxuu ahaa in Muslim koo dhami taariikhda iyo raadkii Islaamka raacaan iyo XUDUUDIHII Islaamka hadday xuduudahana jiraan. Allah xudduudo ummadaha uma kala jeexin oo uma kala calaamadin laakiin wuxuu u kala sheegay inay shucuubo kala duwan iyo qabaail kala abtirsiin duwan yihiin. Allah Adamaha wuu kareemeeyey, karaamadaa waxaa ka mida kuwa ugu horeeya waa (Management) ka ama wax maamulka ay noolaha kale dheer yihiin. ALLAH MUU ODHAN MUSLIMKAAN KARAAMEEYEY EE WUXUU YIDHI ADAMAHAAN KARAAMEEYEY. Markaa in adamahu xuduudo uu ku kala nabad galo waa shay aad u muhiima gaalada dunida xuduudaa u samaysay wax aad u wacan oo dunida horuumar u keenay Bay sameeyeen inkasta oo cabasho iyo binu Adam wada socdaan weligood oon la kala reebi karin hadana xuduudihii gumaystihii reer yurub dunida u sameeyeen faaiido wayn baa laga dhaxley oo waa taa lagu wada noolyey adduunkoo dhan. ALLAH wuxuu abuuray shucuubta iyo qabaailka dabadeed wuu karaameeyey, KARAAMADII waxay samaysay xuduudahan adduunku ku kala nabad galay, INGIRIISKU wuxuu ka mid yahay binu Adamka Allah karaameeyey markaa maamulka prof Gaas hoggaaminayo ee caqli xummaantooda midea isla soo taagay inay is horfadhiisiyaan Allah hii weynaa een waxba qaldi jirin iyo Ingiriiska oo gaalo ah waxay ku dhaceen arin kufri ah. Qabaailku wadamada wey wada degaan adduunkoo dhan xuduuduhuna ma khuseeyaan waayo Allah dejiyey cidina kama rare karto meeshuu Allah dejiyey haddii kale fasaad baa dhacaya. Xuduudda Somaliland iyo Somalia xuduudahay la sharci tahay marka ay gaadho arintu wadahadalka labada dal ee imandoona goor Allah ka dhigoba, muranku binu aadamkuu ka dhexeeyaa ee Allah ha soo dhex gelinina ku qabso ku qadimaysidiina. Mushkiladda kale ee madaxda Puntland soo wadaa ee qarsooni waa xuduudda beenta ah ee ay leedihiin anigiyo Galmudug ama dawladda Federal ka ayey noo dhexeysaa.

In reer Puntland caqligii doonni laga saaray way ogol yihiin xuduudihii Ethiopia iyo Kenya oo qabiilkoodii deggan yey oo iyana Ingiriiskii jeexay.
Waxaan idiinka digayaa arintaa gaalnimada ah ha la imanina maalinta Somaliland iyo Somalia kala faataxaysanayaan.

MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker