Aqoon Yahan Axmed Ismaciil Wayrax oo shaaciyay inuu u tartamayo golaha deeganka Caasimada Somaliland

Aqoonyahan Axmed Ismaciil Wayrax oo shaaciyay inuu u tartamayo doorashada golaha deeganka ee dalka ka dhici doonta sida la filayo 2019 Aqoon yahan Axmed Ismaciil oo mudo deganaa dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa mudooyinkii u danbeeyay safaro ugu noq noqonayay Somaliland Safarada aqoonyahan Axmed Ismaciil oo daara u kuur gelida xaalada dhabta ah ee bulshada deeganada uu ka soo jeeda ku nool yahiin Aqoonyahan Axmed Ismaciil ayaa door wayn ka qaatay dhinacyada horumarinta bulshada deeganada uu ka soo jeedo ee gobolka Maroodi Jeex Shebekada Dhanbaalnews oo xidhiidh la samaysay aqoon yahan Axmed Ismaciil ayaa sheegay in dayac badan oo dhanka arimaha bulshada ahi ka jiro deeganada uu ka soo jeedo waqtigana uu isu diyaarinayo sidii uu kartidiisa iyo aqoontiisa uga faaiidayn lahaa deeganada dayaca baahsani ka jiro sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay xaalada maanta magaalada Hargaysa ku sugantay taasoo ah biyo la’aan nadaafad la’aan wado la’aan iyo dhalinyaradii oo aan haysan goobo aay cayaaaraha kala duwan ku cayaaraan kuna mada daaloodan  dhibaatadan baahsan ee ka jirta Caasimada ayuu ku sababeeyay aqoon yahan Axmed Ismaciil maamul Xumo ka jirta maamulka dawlada hoose ee Hargaysa.

 

 

aliheibe2@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker