TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Axmednuur Aw Cabdi Shaacir oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 06/06/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii Beelaha ku dhaqan Somaliland, sidoo kalena waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii isaga danbeeyey Xukunka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

           

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker