Muuse Biixi Culimada Qabiilka & Dagaalada Ceel Afweyn & tuka- raq & Dhulka ayuu yidhi wax igala qabta

Muusaw afkaaga & Camalkaaga is waafaji, Qabyaalada Adigu aad aabaha u
tahay, Umadii qaybisey eed Jeegaan Xukuumada dhistey, ee weliba Reerkaad
ka soo jeedo ku taxdey, Wasiiradii, Taliyayaashii, Hay,adihii & Agaasimayaahii
Taliyayaashii oo dhan, taa horta hagaaji, kolkaa Qabyaalada adigu baabi,i &
Xukuumada Reerkaaga aad ku taxdey, kolkaa Culimada wax wey kaala qaban.
Dagaalka Ceel Afweyne, Reerka Dhawr Jeer ama lix goorba dhaarta jebiyey eed og tahay ee Biciido ee weliba hada soo bub,aya ee Madax dhaqameedk-
warbaahinta ka hanjabayaan, soo wada xidh, oo cadaalada hor keen cida jeb-
isey ee balantii & kitaabkiiba ka baxdey, Wasiirkaaga Ina Kaahin ee Dabka Hu-
inaya Suldaankiisa Hubka u dhiibayana wax ka qabo, kolkaa Culimada & cid
kasta wax wey ka qaban dhiiga, laakiin Xukuumadaada & Wasiiradaada hoos-
ta ka wada raalina aad ka tahay, waxba Culmio & Umada been haw sheegin
cid kasta oo S/Land ah ayaa og Dagaalka ceel Afweyn, Ina Kaahin & Siyaasiin
& Oday dhaqameed Biciida ah ay wadaan, dhaartii jebiyeen, ee runta hala abaaro.
Muuse Dhul & Beero ayuu sheegay, horta Muusaw Bil Ramadaan weeye ee
adigi Beerihii & dhulkii Geed-Deeble & Marxaaun Cismaan Dacas Beertiisii u
soo celi, kolkaa ka hadal Beeraha & dhulka xooga lagu kala haysto.
Dagaalka Tuka Raq ee Muuse sheegay, isagaa Dhiiga daadiyey, isagaa Xoog &
awood & Ciidan geliyey dhiig inuu daadatana bilaabay, isagoo Nabad & Waan
waan ku baajin lahaa, oo weliba Reer Somaliland & Sool ugu hanjabay Dhirbaaxo ayaan idinku filayn aan awoowayaashiin dhirbaaxi jirey.
Sidaas darteed, Bil Ramadaan weeye Ilaahay Debigeen ha dhaafo, Laakiin
Muuse Calcaalka hayska daayo, oo qabyaalada uu wadankii ka dhigey Reerkiisa wax ka qabto & Jeegaan & Laba reer, oo Umada u sii kala fogeeyey
hadana uu wax ila qabta ku andacoonayo, Umadu wey la yaaban tahay.
Muusaw Calcaacalka & Cabaadka & qabyaalada Reeraysan & Isku dirka Umada wey og tahay Culimadu cid kastana wey og tahay.
sidaas Darteed, Muusaw Xukuumada ka bilaw Qabyaalada oo umada haka
wada muuqato, oo Taliyayaasha, agaasimayaasha, DGyada, Hay,ada gees qudha ka raran Umada u sin, hadii kale Calaacal caal waaya Umada & culimada hala hor taagnaan.
Wabilaahi awfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker