Hambalyo Maareeyaha Dekadaha Somaliland Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu Qaranka u Keenay adeegyo Baahi loo qabay Sannooyin Badan!!!.Qore Farxaan Cali Faarax.

Maareeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu dhigay Rikoodh cusub oo aanay weli cidi gaadhin, kaasoo ah waxqabad aan la qiyaasi karin oo u gaadhsiiyey mudadii gaabnayd ee u hayey xilka Maareeyenimo ee Dekedda Berbera.
Waxqabadkan ka hana-qaaday Marsada Berbera ee ay ku talaabsatay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqonaya mid gala Taarikh cusub, isla markaana noqonaaya diiwaan taarikheed la xusi doono, kuna soo biiray taarikhda ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu soo Iibiyey Taag cusub oo ay yeelanayso Dekedda Berberi, taagaas, waxa garab socda Doonyaha Dab-demiska Badda oo aanay weligeed Somaliland hore u yeelan, Isla markaana dalku u qabay baahi weyn oo lagama maarmaan u ah ganacsiga Dekedda.
Waxa kaloo xusid mudan oo haboon in lagu boggaadiyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi iyo weliba Maareeyihiisa Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi inay keentay dekedda adeega Baylotka oo ah qalab heer caalamiyo oo ay isna baahi aad u weyn loo qabay.
Maareeyuhuu waxa kaloo uu hirgeliyey adeegyo aan hore uga shaqayn jirin dekedda, kuwasoo ay Kamid yihiin Security laydhka habeenkii, waxana hadda Dekedda Berbera kusoo xidhan kara nooc kastaa oo Kamida Maraakibta rarka sida iyo kuwa kalee ka qaadaya Dekedda Berbera labadaba.
Teeda kale Maareeyaha Dekeddu Siciid Xasan Cabdilahi mudadii uu joogay Dekedda Berbera waxa kusoo kordhiyey qalabyo kaloo aad u muhiim ah shaqada dekeddana wax weyn ka taray, kuwasoo ku yimi wada shaqeyn DP World iyo Maareeyaha, oo isla jaan-qaaday, qalabkaasna waxa uu ahaa shan Xaboo Cagafyada wax rara waxna dejiya ah.
La soco qaybaha dambe.
Farxaan Cali Faarax.
Berbera /Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker