Hooyo caruur badan haysata iyo Magalada Paris maxaa kala haysta.W/Q: Khadar Aar.

Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris waxa ay ka mit yahay casimadaha ugu dadka badan wadamada yurub, Paris waxa ay leedahay gadiid aad u farabadan ee u adeega Bulshada ,kuwaasi oo ka kooban Tareemo ,Basas iyo Tagaasi iwm.Tareemada Paris iyo hareeraheeda u kala gudbaa waa laba nooc oo kala ah ,kuwo dhulka hoos tiisa mara iyo kuwo iyagu korka sare ka hawl-gala.

Saacadu waa abbaara Laba iyo Tobankii Duhurnimo,kulaylka Cedceeda waxa aad moodaa in uu yahay maalinkii ay ugu kululayd magalada Paris iyo hareraheedu,waxa aan markaasi soo fuulay uun Taremada dhulka hoostooda mara waxa aan ku socda isla meel aan ka dheerayn magalada.

Tareenka u kala goosha Paris iyo hareeraheedu maaha wax la malayn karo,waxa aan ku tilmaami karaa Jaamacad,waxa aan uga jeedaa Jaamacad waxa adag sida lagu barto inta qaybood ee uu tareenkaasi hoosta maraa uu u kala gudbo iyo qaybaha faraha badan ee uu leeyahay.

Mararka qaar waxa aad dareemaysaa in dhamaan magalada Paris sida ay u dhan tahay hoosteeda oo dhami ay tahay Godadka/dariiqyada ay isga gudbaan tareenada loo yaqaano Metro ee dadka u kala gudbiya danahooda.

Tiraba shan ama ka badan ayaad mararka qaar kor iyo hoos waxa aad u raacaysaa Wiishashka iyagu is-wada ee dadka socodka u fudaydiya iwm;waxaana dhici karta in xaafad uun katirsan Paris ay kugu qaadato saacado badan safarkeedu.

Hadaba islaa maanta oo Axad ah ayaa Tareenkii aan soo fuulay ayaa waxaa iyana si habacsan ama kala-qubasho ah usoo fuushay Hooyo Muslim ah oo si fiican u xijaaban una dhalatay wadanka Iiraan; Hoyadaasi waxa ay wadatay tiraba caruurdhan Lix Caruura oo ka uu waynu uu yahay markaasi sida aan ku qiyaasay 8 Sanadood kan u yarina uu iminka uun uu dhashay isla markaana ay ku riixaysi gaadhiga loogu talagalay caruurta.

Ninkii yaqaana ayuunbaa garanayee Tareenada Paris waxaa caado u ah in 2 Daqiiqo wax ka badan aanu istaagnaan,waana mida ku kalifta dadka in ay ku diyaar garoobaan Albaabka tareenka si ay ug degaan markaasi inta aanu la dhaqaaqin ama ay usoo fuulaan.

Hoyadii caruurta badan daadahaynaysay madamaa hareeraha iyo farqaha ay haystaan caruurtaasi faraha badani ,midkastaabana uu Oohin la dhawaaqaayo ,waxaa u suura galiwayday in ay sidii loo baahnaa ay Tarenka kusoo fuusho,ILahay amarkii dadkii tareenka saarnaa oo aan ka mid ahay ayaa gurmad degdega u fudiyay, kadib markii caruurtii lagusoo daadgureeyey tareenka gudahiisii nasiib darro waxa ay wayday Kursi ay ku fadhiisato,dantuna waxa ay ku khasabtay in ay iyada iyo caruurteedii ay istubaan Albaabkii Tareenka laga soo galaayey ama laga degaayey.

Hadaba mushkilada u wayn ee qabsatay gabadhaasi Muslimkaa ayaa waxa ay ahayd, in Lixdii caruura shan ka mida ay Tareenkii oo ahaa mid sida Tusbaxa xidhiidhsan xawliga iyo oradka uu ku socdaana uu ayahay mid aan la qiyaasi karin,in Ilma kastaaba qayb tareenka ka mida uu dhex orday kadibna uu ku dhex halaabay;iyana ay ku mintiday oo kaliya midkii ugu yaraa ee ay gaadhiga ku riixaysay taasi oo ay ku saxsanayd.

Aniga iyo dadkale uu farabadan waxa ay nogu qaadatay in aani gabadhii caruurtii Tarenka dhixdiisii uga baadi doono madamaa ay tahay gabadh Muslim ah oo xijaaban,dadka gaalada ahi inkastoo dhanka naxariista iyo caawinta ay ku fiican yihiin xaaladan oo kale, hadana madama ay gabadhani tahay mid sidata Xijaabkii lagu yaqaanay Dumarka Muslimkaa in ay caawiyaan iska daaye! qaarkood waxa ay tamaniyeen in ay markaasi u dalbadaan laamaha ku shaqada leh caruurta iyo daryeelkooda,madamaa aanay cidna ka qarsoonayn dayacnaanta caruurtan.

Ilahay amarkii waxa aanu wakhti badan u seegnay raadintii iyo baadidoonkii caruurta,balse hadana Ilahay waa uu nagu guuleeyey,waxaanu u keenay Hoyadii dhashay oo iyadu naxdin iyo shuug ay ku noqotay qalqaalini nimada caruurteeda iyo waliba iyada oo ka baqanaysay in lagu qabsado caruurtan faraha badan ee hadana ay maamuli kari ladahay, waana sababaha ugu wayn ee wadamada Gaalada dadka Somalida caruurta looga qaato.

Waxa aanu ka degnay tareenkii ,waxaanu ka caawinay aniga iyo ragkale uu muslimiin ahaa in aanu caruurta Tareenka kala dejino, markii aanu tareenkii ka dhaadhacnay ayaa waxa aan waydiiyey halka uu jiro caruurtan Abahood? inta ay qososhay ayaa waxa ay farta noogu fiiqday nin markaasi soo socda meel aan sidaasi nooga dheerayn, balse aanu u fahamnay in uu tareenka nala saarnaa;waxyar ka bacdina caruurtii ayaaba ku yaacday Baabaa baabaa baabaa ayaa caruutii ku qaylisay.

Ninkii Aabaha ahaa inta uu nooyimi ayaa uu nasalamay kadibna noo mahad celiyey,waxaanu nagu yidhi “”waan idin arkaayey sida fiican ee aad caruurtayda ugu gurmateen ,waanad ku mahadsan tihiin”” kadibna caruurtisii iyo xaaskii ayuu gacanta qabsaday waana uu naga dhaqaaqay!!

Hadaba akhriste arintan oo kale wali ma kula kulantay ?mase kuula muuqataa mid layaableh ama afkala qaad ah, maxaadse ku masaali lahayn? inkastoo dadka ku nool wadamadan gaalada ay qorshahan oo kale u sibir-saari lahayeen ama ku macnayn lahayeen barnaamijka layidhaahdo *kala-noolaanshaha qoyska iwm ee dadka qaarkii lacagaha beenta dawlada kaga gurtaan kuwaasi oo iska diida in la isku arko!!

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker