Codsi ku socda madaxweynayaasha S/land iyo P/land

Ku: Madaxweynayaasha sharafta leh ee P/land iyo S/land Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo
Mudane C/wali Max’ed Cali Gaas Rugohooda
السالم عليمك ورمحة هللا وبراكته
Salaam ka dib mudanayaal dadka aad madaxda u tihiin waa dad leh taariikh iyo ilbaxnimo qadiim
ah, waxayna leeyihiin dad xilkas ah oo isku darsaday indheergaradnimo, aqoon, waaya-aragnimo
iyo daacadnimo ay ku gartaan waxa ay dantu ugu jirto diintooda, dadkooda iyo dalkooda. Dadkaas
waxay isugu jiraan siyaasiyiin ruug caddaa ah, salaadiin khibrad leh, culimo waaweyn, aqoonyahan
takhasusyo kala duwan leh, ganacsato waaweyn, abwaano iwm.
Madaxweynayaal dadkaas waxaa ka dhexeeya xiriir dhalasho, xididnimo, darisnimo, saaxiibnimo
iyo dano ganacsi oo ka dheeraad ah walaalnimadii islaamka, taas oo keenaysa inay wax walba si
buuxda isula fahmi karaan, ugana heshiin karaan wax kasta oo dhexmara; sidaa darteed waxaan si
xushmad iyo qaddarin leh idiinka codsanayaa in aad xallinta khilaafka gobolka Sool u magacawdaan
guddiyo aan rasmi ahayn oo isugu jira isimo, culimo, ganacsato, aqoonyahano, abwaano iyo
siyaasiyiin oo arrinta si walaaltinimo ah uga wadahadla, nabadna ku dhammeeya, ka dibna u
gudbiya labada dawladood; si ay u ansixiyaan, una hirgaliyaan.
Madaxweynayaal waxaan rajeynayaa inaad codsigaan aqbali doontaan, idinka oo tixgalinaya
xurmada dhiigga muslimka, ehelnimada, darisnimada iyo xurmada bisha Ramadaan, Ilaahayna
waxaan ka baryaynaa inuu idin waafajiyo sida aakhiradiina u roon, danta ummadduna ay ku jirto.
وابهلل التوفيق
وصىل هللا عىل نبينا محمد وعىل آ هل و

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker