Ururka Khayriga ah ee Siig Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyey Deegaano Hoos-yimaada Degmad Cadaadley

Hargeysa(OWN)-Ururka Khayriga ah ee Siig ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey qoysas danyara oo ku caydhoobay araabihii dalka ka dhacay kuwaas oo ku nool deegaano dhawra oo hoos yimaada Degmada Cadaadley, oo kala ah Gadhka Warsame Xaad,Ahmed Buur,Lafa Maroodi,Shaarub, Daba Jilab,Boqo Jabo.

Deeqdan Raashinka ah ayaa waxay ka koobnayd, Sonkor, Bariis, Saliid, Timir ayaa waxa bulshada deegaankani ugu soo deeqay Muxsin u dhashay dalka Imaraadka

Gudoomiyaha Degmada Cadaadley Cumar Nuur Xuseen ayaa waxa uu ugu horeyn mahadnaq balaadhan usoo jeediyey Ururka Siig iyo Haldoor Cabdi Xasan Mataan oo loosoo wakiishay deeqdan, isagoo isla markaasina ku amaanay sida ay ugu heelan yihiin daryeelka iyo taakulaynta dadkooda jilicsan ee degmada Cadaadley.

Gudoomiyaha Ururka Khayriga ah ee Siig Gud. Cismaan Maxamed Cali oo isna madasha ka hadlay ayaa waxa qurbajoogta Ganacsatada iyo dadka kasoojeeda Deeganka ugu baaqay inay soo taakuleeyaan isla markaana ka war hayaan Dadkooda jilicsan ee deegaankan ku nool.

Haldoor Cabdi Xasan Mataan oo ah Wakiilka deeqdan soogaadhsiiyey ayaa ugu horeyn u mahadnaqay Gudoomiyaha Degmada Cadaadley iyo Ururka Khayriga ee Siig oo uu xusay inay heegan ugu jiraan horumarinta iyo taakulaynta bulshada jilicsan ee Degmada Cadaadley, Isagoo isla markaasina u mahadnaqay muwaadin kasoojeeda dalka Imaaraadka Carabta oo deeqdan usoo wakiishay inuu gaadhsiiyo dadka deegaankan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker