AFKEENNU WAA HODAN EE HOOS MA LOO DAYAY!

Nabad akhristayaal,

Waxan 30kii bishan May (Maajo), 2018ka; ka akhriyey mareegta hadhwanaag, maqaal uu qoray mudane Cabdi Cali Jaamac.

Maqaalka oo kolley duluc gaar ah lahaa, waxba ka sheegi maayo. Waxase ku jirey maqaalka, ereyga Ingiriisiga ah ee (dignity) oo uu qoraagu turjumiddiisa u soo qaatay dhawr erey oo afcarabeed ah. Sida: ixtiraam, sharaf iyo kuwo la mid ah. Wuxuna mudane Cabdi Cali raaciyey intaasi, in uu waayey; erey u dhigma (dignity) oo Soomaali ah.

Inkasta oo ay afkeenna ku jiraan ereyo aan xad lahayn oo qalaadi, haddana haddii loo kuurgalo afkeennu wuu leeyahay ereyo u dhigma kuwaasi waadaasha ah ee aynnu adeegsanno iyo kuwo ka qoto dheerba!

Bal aynnu isku daynno afcelinta ereygaasi mudane Cabdi Cali soo qaatay ee (dignity) iyo afkeenna ereyga aan isleeyahay wuu u dhigmaa.

Aynnu soo qaadano ereyga (kalmadda) dheg. Ereygani dhegi wuxu afkeenna ku leeyahay macnayaal aad u fara badan oo ay ka mid yihiin: dhegta caadiga ah (ear), quruxda (prettiness) iyo sharafta (dignity) oo ah halka aynnu maanta ujeedno.

Akhristayaasha sharafta lehoow, ku daalimayno macnaha caadiga ee kelmadda dheg (ear). Waxaynuse maragmuujin ahaan u soo qaadan doonnaa tusaalayaal caddaynaya macnayaasha kale ee ereyga dheg ee afkeenna ku jira.

Dhinaca quruxda: Marka laga hadlayo quruxda haweenka, way naga isticmaalna; ” Waar gabadhu dheg ma leedahay?” Taasi oo macnaheedu daarran yahay, gabadhu qurux ma leedahay? Doqonkiina markii la weydiiyey su’aashaasi, isaga oo aan fahmin dulucdeedu wuxu ku jawaabey, ” Tiraba laba ayay leedahay!” Isaga oo tirsaday labadeeda dhegood ee mooqda!!

Dhinaca sharafta haddii aynnu ka eegno ereygan dheg, waxaynnu tusaale ahaan u soo qaadan karnaa; murtida Soomaaliyeed ee tidhaahda,” Dhandhamooyinka qaar dhegtaaday dilayaan!’ ama dhegtaad ka raac!”

Huraarta caadiga ahna, waynaga nidhaahna; hebelow ama heblaayooy; haddii aad sidaasi samaysid, dhegxumaa kaa raaci!

Waxan Cabdiyoow ka cudurdaaranayaa, jawaabta aan kuu soo mariyey mareegaha. Waayo, maqaalkaagu ma lahaynemail aan jawaabta kuugu soo hagaajiyo! Waxa kale oo aan istusay, in dadweynuhu ka faa’iidaysan karaan – haddii aan jawaabta kuu soo mariyo mareegaha (websites).

 

 

Allaa mahad leh iyo Ramadaan wacan.

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker