Saddex Masuul oo fidmo fadhida ku Noqday bulshada gobolka Saaxil?. Qore Saki Xasan Cilmi.

Weli waxay Magaaladda Berberi la bugtaa oo Tiiraanyeysan tahay utunaha qabyaadeed ee ay ku sii beertay Xukuumadii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qorshe beeleysan oo fool xun ku samaysay hanaankii dawladnimo ee gobolkaa ka jiray.
Qormadan oo taxane noqon doontaa waxaan kusoo qaadan doonaa cida magacowday sadex masuul oo fidno iyo kala qoqob bulsho kala dhexdhigaya qaybaha bulshada ee ku nool gobolka Saaxil. Saddexdaas masuul oo haya jagooyinka ugu sareeya ee Xilalka dawlada ee gobolkaas, kuwasoo isku reer ah, xilalkana loogu dhiibay cadaawad beeleysan oo ay shaqsiyaadkii awoodda madaxtooyadda Saameynta ku lahaa xilligii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, usoo magacaabeen maamulka sare ee gobolka Saaxil, ayaa keenisteedii hore iyo ficillada ay ila hadda dabada hayaan waxa uu yahay dagaal ka dhan ah deegaanka Saaxil bulshada ku nool.
Haddaba iyadoo ay xilka ka tagtay Xukuumadii wadanka dhaxal wareejisay, isla markaana musuq-maasuqa iyo cunfiga beeleysan caanka ku ahayd ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxay weli iswaydiineynayaan reer Berbera sababta Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo hal daba la ay u doorteen shacabka Saaxil, waxay u bedeli la dahay kooxda isku haybta ah ee qabyaalada iyo musuq-maasuqa caanka ku noqday.
Akhristayaal aan idiin sheego Magacyada sadexdaas masuul oo kala ah Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, Beesha Habar jeclo.
Sacad ciise Cumar Xoghayaha Gobolka Saaxil, Beesha Habar jeclo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Gobolka Saaxil Aadan Cabdi Cawaale beesha Habar jeclo.
Sadexdaas masuul waxay hayaan xilal logula khaldamay oo ay Xukuumadii hore ku deegaamaynaysay Beesha bariga burco, kaaga darane xilkii loogula khaldamay ugumay shaqeyn shacabka, balse waxay ka dhigeen mid ay ku kala foggeeyeen bulshada walaalaha ah. La soco qaybaha dambe.
Saki Xasan Cilmi.
Berbera/Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker