Bisha Ramadaan Ilaahay Dembigeena ha dhaafo, Culimada S/Land ee Sh. Dirir kaw ka yahay, in Dumar Buugaag lago qoro oo cid kastaa akhrisato, oo Ninkii qorey uu Wasiir ku ahaado, maxay qabtaa Diintu.

waxa jirta in wasiirka Guri barwaaqo, uu Dumar, hooyo, Inan, sodoh mid kasta
leh uu caayey uu buug ku caayey, ku qorey, oo meel kasta oo waxbarasho uu
yaalo, oo la akhristo, oo cabasho badan ka timid Dumarkii buugaa lagu caayey
Gude & debedba, oo Muuse Biixi ooy cabashadaai Dumarkaasi hawada u mar-
iyeen, cid ka jawaabtey, oo buugaagta gubtey & cid wasiirkaa la xisaabtantey
aanay jirin.
Bal hadaba, culmiada s/land wacdiga ay sheegaan, xumaanta, isku dirka, cayda
aflagadaada & wax xunba wey ka wacdiyaan.
Hadaba hablaha dhan ee la caayey, ee buuga lagu qorey, ee sidii loo akhristo
aan cidi ka hadashay oo culmia ah jirin, ninkii qoranayna isagoo wasiirka warf-
aafinta sheeganaya, kolba umada la hor imanaya inuu yahay, nin wanaagsan oo
bisha ramadaan, ka hadlayey in warbaahintu wax xun tebiso, ama sheegto isna
caydii uu hablaha ku qorey derejo ku helay wasiirnimo.
sidaas darteed, culimada S/land waxaanu u cabanaynaa in Ninkaa hablaha intuu caayey, hadana wanaag & inaan war xun warbaahinta & weriyayaashi
sheegin, daabacabin, isaguna Buugii uu qorey uu sidii ku socodo, oo cid gubtey
7 in ninkaasi wax talaabo laga qaadin, Culimada Caydaa & Gefkaaba Hablaha uu ku kalacayu, waa inay Culimadu noo sheegtaa, hadaanu Dumarka la caayey
ee Buuga lagu qorey, ee Ninkii derejo ku helay, Umadii uu ku andacoonayo,
wax xun ha qorina, ha tebinina, talaw Habluhu miyaanay kuwaa waxa xun uu
ka qorey aanay ku jirin Dadka uu waaniyo.
Culimooy idinka ayaanu war idinku suaynaa, Ninkaa caayey dumarka ee waxba
muuse ka qaban waayey, derejo wasiirnimo ku siiyey, hadana umadii la hor taagan wanaag hala qoro.
wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker