Qiso aad umuhiima oo la turjumay Oo ku anfaci doonta bisharamadan W.Q Kaptanka.

Markaan dhinto ma murugoon doono
muhiimadana ma saari doono jidhkayga baaliyoobay
walaaladayda muslimiinta ah ayaa qaban doona waxa ku waajibka ah :
1.waxay iga saari doonaan maryahayga
2. waay i maydhi doonaan
3.way i kanfi doonaan
4.Gurigayga bay iga saari doonaan
5.waxay ii qaadi doonaan gurigayga cusub (Qabriga)
6. dadbadan baa iman doona jinaasadayda , iskaba dhaafe qaar badan baa usoo halayn doona shaqooyinkoodi iyo balamihii ay lahaayeen inay i aasaan daraadeed.
ayagoo qaar badani ay yihiin  maalina qaar aan ka fikirin inay ii nasteexeeyaan .
7. waxyaabo ayaa iga hadhi doona waxa ka mida :
furahaygii gaadhiga ……
shandadaydii ….
kabahaygii …
maryahaygii ….
Taas oo ehelkayga sadaqayn doonaan  si ay ii anfacdo .
u fiirsada aduunyada iima murugoon doonto
mana joogsan doonto dhaqdhaqaaqi caalamka
dhaqaalihii wuu sii socon doonaa
shaqadaydiina waxaa iman doona qayrkey si uu uqabto
xoolahaygiina waxay u tagi doonaan ayagoo xalaal u ah  dadkii dhaxlayay .
waxa ugu horeeya ee iga dhici doona wuxu noqon doonaa magacayga  sida daraadeed markaan dhinto waxa lay odhan doonaa (maydka)
magacaygana iiguma yeedhi doonaan !!!
markay doonayaan inay igu tukadaan oo ay soo diyaariyaan jinaasadayda
iiguma yeedhi doonaan magacayga ..
markay damcaan inay i aasaan waxay odhanayaan soo dhaweeya maydka .. magacaygana iiguma yeedhi doonaan .
sidaa daraadeed waxba iima tarayo  nasabkaygii iyo  qabiilkaygii  waxbana iima tarayo  booskii aan lahaa umada dhexdeeda  iyo caan nimadaydii .
maxaa  ka macna yar aduunyada  oo maxaa ka wayn waxa inagu soo waajahan ….
hadaba kaagan nool ee qoraalka aqrinayoow waxaad ogaataa cida kuu murugoonaysa waxay noqon doonaan sedex nooc  :
1. dadkii ku yaqaanay si guud waxay dhahayaan miskiin allah haw naxariisto .
2. saxiibadaa waxay murugoon donaan saacado kooban maalmo kadib waxay isaga noqon doonaan sheekooyinkoodii  . iyo qosoladoodii
3. murugada qotada dheer waxay ahaan doontaa dhanka guriga
waxay murugoon doonaan ehelkaagu  wiigag , bil , laba bilood ama sanad.
intaa kadib waxay ku dhigi doonaan  qaybta xasuusta !!!!
way dhamaatay sheekadaadi  dadka dhexdiisa  waxaa bilaamay sheekadaadi dhabta ahayd waa aakhiro .
waxaa kaa suulay oo kaa dhamaaday :
1. quruxdaadii
2.maalkaagii
3.caafimaadkaagi
4.caruurtaadii
5.guryahaagii iyo fooqyadaadii
6.Guurkaagii iyo xaaskaagii
kumana hadhin ilaa camalkaagii mooyaane .
waxaa kuu bilaamatay noloshaadii dhabta ahayd
suaasha hadaba taala waxay tahay  :
maxaad u diyaarsatay qabrigaaga iyo aakhiradaada hadda???
Tani waa xaqiiqo u baahan in loo fiirsado……
sidaa daraadeed ku dadaal :
1. waxayaabaha ilaahay ku faray
2. sunayaasha
3. sadaqada hoos loo bixiyo
4. camalka wanaagsan ee saalixa ah
5. salaada habeenki la tukado ( salaatu laylka )
waxa laga yaabaa inaad badbaado .
saacadaha aad xasuusiso dadka qoraalkan adigoo nool
waxaay ku gu reebi doontaa raad misaankaaga maalinka qiyaame idamka allah …
ilahay wuxu dhahay waani waanada waxay anfacaysa dadka iimaanka laga helay ( وذكر فإن الذكرى تنفع المؤمنين )
muxuu u doortaa qofka maydka sadaqada hadii lagu soo celin lahaa aduunyada ?
siduu ilaahay inoo sheegay :
rabigayoow hadii dib laygu dhigo mudo yar wxaan la bixi lahaa sadaqo  (  رب لولا أخرتني إلى أجل قريب  فأصدق )
muu odhan :
aan cimraysto
aan salaad tukado
ama aan soomo
culimadu wxay dhahaan
sadaqada muu xusin ilaa arinkeeda oo wayn mooyee wuxu arkay raadka wayn ee ay leedahay markuu dhintay kadib
hadaba badiya sadaqada
waxyaabaha ugu fadliga badan wxaad sadaqadaysato hada 10 ilbidhiqsi oo wakhtigaaga ka mida  sii si aad u faafiso  hadalkan  adigoo u niyaysanaya waaninta walaalahaga kale ..
Kalmada wanaagsani waa sadaqo ??
By
Qoraa Reer kuwayt ah ayaa wuxuu qoray intuuna dhiman ka hor  :
Xigasho….

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker