Odhaahdii Eng. Maxamed Xaashi iyo Jawaabti Xil. Abdiqadir Jirde ee Dagaalada Bariga. By Abdi ismail abib

Waa bil Ramadaan oo khayr badan Allah waxa ka baryeeynaa inuu inaga qaboojiyo Dagaalada laga aloosay Gobolka Sool, una booga dhayo Dadkii uu dhibku kasoo gaadhay Duufaankii Sagar ee dhawaan ku dhufatay Xeebaha Gobolka Awdal, intii ku dhimatayna uu u naxariisto, Waxaa ayaamahan Dad badani ay u riyaaqayeen Dagaalka aan macnaha badan lahayn ee ka socda Tuulada Tukaraq ee ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo Maamulka Puntland. Inagoo Illahay uga baryeeyna in Dadkaa dagaalamayo Illahay xaqa tuso oo colaada joojiyaan, uguna baaqayna Nabad iyo wada noolansho.

Hadaba, Dagaalkani waxa uu isoo xasuusiyay kaftan iyo Hadalo duurxul ahaa oo bari aan ku qiyaasayo 2003 ku dhex maray Saxaafada, Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Barlamaanka Somaliland Imikana ah Gudoomiyaha ku meelgaarka ah ee Xusbiga Wadani Xil. Abdiqaadir Jirde iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Eng Maxamed Xaashi wakhtigii uu Mucaaridka adag ahaa xukuumadi Riyaale, Maxamed Xaashi waxuu ku dhaliilayay Xukumada xiligaa inay ka gaabisay oo ayna soo xidhin ama ayna gaadhin Xadkii Somaliland ee Ingiriisku jeexay oo ah Duleedka Magalada Garoowe. XIildhibaan Abdiqadir Jirde oo arintaa ka jawaabaya ayaa yidhi, ” Dagaalkii 1994 ee Hargiesa ka dhacay waxaynu awoodi waynay inaga oo cidkasta soo kaxaysanay inaynu 300 oo inan oo waliba aan tolkood si weyn ula socon aan dhaafino Toon, ee makula tahay in aynu Xuduud masaafo fog inoo jirta si yar oo fudud kusoo xidhi karno””. Sidaas oo kale ayeey maanta Dad badani ku andacoodaan inay Somaliland awood u leedahay inay xoog kusoo xidhi karto xaduud aad u dheer, Geography ahaana  adag in si yar oo fudud uu uga dagaalami karaan Ciidamo aan kuwa Deegaanka ahayn oo Masaafo fog laga keenay.

Sidaas darteed, waxa wali taagan Riyadii ay Dad badani iskugu sheekayn jireen iyada oo ayna aqoon u lahayn baaxada ay leedahay dhulka Bariga una haysta in si yar oo fudud looga guulaysan karo Dadka Deegaanka ee aynu ognahay in badankoogu ayna Taageersanayn Ciidamada Somaliland ama Maamulka Hargiesa. Waxaana haboon in aan lagu khamaarin nafaha Askarta Masaakiinta ah ee ay u gaysay Askarinimadu daruufaha qalafsan ee Wadanka ka taagan iyo Camal la’aanto oo aan la galin Dagaal Aakhiro iyo Aduunyaba aan la mahadin.

Abdi Ayanle Ismail Abib
ANTWERPEN, BELGIUM.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker