Wasiirka Maaliyada JSL oo Baabiiyay Qasnaddii Guud ee ay Wasiiradii Hore SAMSAM Iyo SAMAALE ku Cuni Jirtay Hantida Umadda

Tan iyo intii uu Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi uu qabtay xilka wasiirnimo ee Wasaaradda Horumairnta Maaliyadda ayaa waxa wasaaradda gudaheeda laga dareemayaa is beddel togan iyo waxqabad muuqda kaas oo qurxiyay hab-nidaameedka shaqo.

Mid ka mid ah waxqabadyada ugu muhiimsan ee uu wasiirku qabtay intii uu xilka hayay waa baabiinta wixii loo yaqaannnay (Qasnadda Guud) oo ahayd jeebad-tuug ay adeegsan jireen madaxdii ka horreysay wasiirka kaas oo fududayn jiray in hantida ummada lagu lunsado sida ugu fudud.

Hadaba, qasnadda guudi maxay tahay? Laga yaabaa in ay niyaddaada ku soo dhacdo in ay qasnadda guudi tahay Kaydka Qaranka (National Reserve) amaba goob lagu kaydiyo lacagta umadda, laakiin taas wey ka duwantahay!

Qasnadda guud waxay ahayd qayb ka mid ah miisaaniyadda qaranka oo lagu soo ururiyay mashaariicaha horumarineed ee ay wasaaradaha kale leeyihiin, taas oo lacagta ugu jirta miisaaniyadda wasaaradahaa kale ay maamuli jirtay wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu halka ay ahayd in uu mashruuc kasta oo horumarineed hoos tago miisaaniyadda wasaaradda uu la xidhiidho.

Tusaale ahaan, qasnadda guud waxa ku jirtay iibinta ambalaasyo. Iibinta ambalaasyadu waa shaqada wasaaradda Caafimaadka oo ay ahayd in ay hoos tagto miisaaniyadda wasaaradda caafimaadka. Waa sababta keentay in wasiiraddii hore Samsam Maxamed Cabdi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale ay u qaban jireen shaqooyin aan loo igman waayo waxa ay maamuli jireen qaybo ka mid ah miisaaniyadda shaqooyinkii ay fulin lahaayeen wasaaradaha kale.

Mararka qaarkood, waxa dhici jirtay in lacagtaa ku jirta qasnadda guud ee loogu tala galay mashaariicda horumarinta in loo adeegsan jiray dano shakhsi oo kale.

Sida oo kale, qasnadda guud waxa ku jirtay miisaaniyadaha kabka ay dawladdu siiso meelo kale sida SONYO, ururka saxafiyiinta ee SOLJA, Nagaad iyo ururka naafada. Laakiin sida saxda ahi waxay ahayd in miisaaniyadda kabka ee ururada la hoos geeyo wasaaradaha ay la shaqeeyaan. Tusaale ahaan, SONYO in la hoos geeyo wasaaradda ciyaaraha, SOLJA na wasaaradda warfaafinta.

Mararka qaarkood, waxa dhici jirtay in lacagtaa ku jirta qasnadda guud ee kabka loo adeegsan jiray dano shakhsi oo kale.

Ujeedada loo samaystay qasnadda guud waxay ahayd iyada oo uu wasiirka maaliyaddu uu helayo awood ka badan awoodaha wasiirada kale maadaama uu maamulo qaybo ka mid ah miisaaniyadahooda.

Wasiirka Maaliyaddu ee haatan mudane Yuusuf Maxamed Cabdi, waa wasiirka kaliya ee ku go’aansaday in uu baabiiyo qasnadda guud isaga oo mashruuc kasta oo horumarineed hoos geeyay wasaaradaha ay la xidhiidho, sida oo kale, kabka la siin jiray ururadana ugu daray miisaaniyadaha wasaaradaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso.

Dad badan ayaa kula taliyay in aanu wasiirku baabiinin qasnadda guud ee uu daysto si uu u yeesho awoodo saaid ah oo ka badan kuwa wasaaradaha kale, balse arrintaa uu ka diiday.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi waa ninka kaliya ee ilaa hadda fahmaya shaqada maaliyadda oo waaya-aragnimo buuxda u leh. Wuxu ku sifoobay tilmaamo lagu aamini karo hantida umadda. Wuxu ku habboonyahay shaqada loo igmaday, waana qofka kaliya ee horseedi kara nidaam maaliyadeed oo horumarsan maadaama oo uu baabiyay jeebad-tuuggii lagu dhici jiray hantida umadda (Qasnadda Guud).

 

Allaa Mahad Leh

Maxmuud Jaamac Cabdi

Maxmuudjaamac7@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker