somaliland caalamka ha ka dalbato in maamul kusheega farmaajo laga jaro hubka iyo Dhaqaalaha la siiyo

ka Dib  markii ay cadaatay  in  weerarada maamulka yar  ee  majeertaniya  u s/land ku soo qaadayo uu dabada  ka riixayo  maamulka  maqaar saarka ah ee  farmaajo  , waxa  somaliland  la gudboon  in  ay  caalamka  culays ku saarto  sidii  maamulkaas   looga joojin lahaa hubka la siinayo, ciidamada loo taba barayo  iyo dhaqaalaha la siinayaba,  waa  in  ay somaliland  caalamka  u soo  bandhigtaa  in  aanay macquul  ahayn in maamul ku sheega farmaajo  loo keeno ciidomo isaga  ilaaliya  ,  isaguna  ciidamadii  caalamku  u samaynayey uu somaliland kula dagaalamo  taasi  waa  arin  khatar  ah  oo   u baahan in ay somaliland  si deg deg ah  uga hawl  gasho   ,  waa  in  ay somaliland  ku qaylisaa  kuwa   maamulka farmaajo hubka  siiya, waa  in ay somaliland  ka  dalbataa kuwa  farmaajo  lacagta siiya  in  ay joojiyaan  lacagtaas   waa  in  ay somaliland   caalamka  u sheegta  in   farmaajo  isagana   ciidamo african  ahi  ilaaliyaan  ciidamadii  caalamku isaga u tababarayey ee loogu talagalay  in uu     al-shabaab  iskaga difaacana uu  keenay  Garoowe  si uu  somaliland  ugula dagaalamo,   waa  in  ay  somaliland  Dalbataa  in ciidamada  AFrican ka  ah laga saaro somalia   waayo  maamul ku sheega  farmaajo  isaga  oo  ka faa  iidaysanaya  ciidamadaas  al- shabaab ka difaacaya  ayuu  isagu  ciidamadiisii  iyo dhaqaalihii  caalamku  somalia ugu talagay kula  dagaalamayaa  dalkale oo xasiloon.

khadar xussen muuse
saudi arabia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker