Puntland Oo Maanta Xukumo Dul Dhigtay Cidii Taageerta Somaliland

Garoowe(OWN)- Guddiga difaaca dowladda Puntland ayaa go’aanno cusub ka soo saaray mas’uuliyiinta ka soo jeeda degaannada Sool,Sanaag,iyo Cayn ee xilalka ka haya  Somaliland iyo sidoo kale ciidamada u dhashay goboladaasi ee ka tirsan Somaliland.

 

Go’aannadaan oo u badan xukunnada ay mutaysanayso ciddii lagu qabto,gacan-siinta Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in abaal-marin la guddoonsiinayo cid kasta oo Puntland isu soo dhiibta muddada uu socdo dagaalka u dhexeeya labada dhinac.

 

 

Qoraalka uu soo saaray guddiga difaaca Puntland ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in  maamulka  Puntland ay la wareegayso dhammaan hantida uu leeyahay qofkii  Somaliland ku gacan-siiya dagaalka kala dhexeeya Puntland .

 

Guddoomiyaha guddigaan ahna,Wasiirka Amniga dowladda Puntland,Axmed Cabdullaahi Yuusuf(Dowlad) oo ay garab taagan yihiin xubnaha kale ee guddiga ayaa saxaafadda u akhriyay go’aannadan.

 

Sidoo kale Wasiirada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha oo dhankooda Warbaahinta la hadlay ayaa xoojiyay go’aannadan iyo xukunnada ay xambaarsan yihiin ee lagu soo rogay ciddii lagu helo in ay Somaliland ka gacan-siisay dagaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker