Madaxwayne Trump Oo Shaki Galiyay Qabsoomidda Kulanka Isaga iyo Kim jon un

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay jirto ifa faalo wayn oo muujinaya in uusan qabsoomi doonin kulanka lagu wado in uu dhexmaro isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Kulanka ayaa lagu wadaa in uu dhaco 12 bisha June ee soo socota.

Ka dib kulan uu Washinton kula yeeshay madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, ayaa Mr Trump waxa uu sheegay in ay tahay in la fuliyo shuruudaha laga doonayo Kuuriyada Waqooyi.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in haddii Kuuriyada Waqooyi ay diido shuruudahaasi uusan kulanka dhici doonin.

Horey ayay dowladda Kuuriyada Koonfureed waxa ay rajo uga muujisay in kulanka lagu wado in uu dhex maro madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu sii socon doono iyada oo ay jirto in dhawaan ay K/Waqooyi sheegtay in ay ka fiirsanayso.

Xukuumadda Pyongyang ayaa ku hanjabtay in ay wadahadalada ka bixi doonto haddii Mareykanka ay ku cadaadiyaan in hub ka dhigis niyukleer oo hal dhinac ah.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in Kuuriyada Waqooyi oo soo fariista miiska wadahadalada ay noqonayso mid ka mid ah siyaasadaha arrimaha dibadda ee Trump oo guulaysatay.

Khubarada ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka oo baaqda ay noqonayso dib u dhac aad u wayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker