khasaarihii doorashadii golaha deegaanka ee u dambaysay

Doorashadii golaha deegaankii u dambeeyey waxaynu ka dhaxalay inagoo ku dooranay caadifad qabiil xubno goole deegaan oo aan u qalmin doorka iyo yoolka doorashada dalka marka dib loo eego masuuliyad daradooda  musuqmaasaq baahsan ee ay ku sifoobeen  iyagoo ay markhaati u noqon karto mudo xiloodkoodi foolxumada ka muuqata  jidadka caasimada iyo bilic iyo nadaafad darada caasimada hargeisa

Hadaba maadama aanu jirin dalkeena la xisaabtam iyo dabagal hantidooda  waxa inala gudboon shacbi ahaan in aynu dib u eegno  xubnaha aynu u dooranayno golaha deegaanka ee soo socda 000000000000000000000000000

 

Tani waa daalkii iyo juhdigii ku  khasaaray  doorashadii golaha deegankii u  dambaysay   eeg niyada iyo farxada ay u taagan yahiin  hooyoyinka  raadinaya dadka wakiil ah oo wanaagsan

 Waxa lumay hankii iyo siyaasadii goalkii doorashada golaha deeganka caasimada hargeisa  ay bulshadu ka rabtay  in  ay ku raadiso isbadal  maamul wanaagsan iyo  wakiilo  wax ka  qabta baahiyaadkooda  sida bilicda qurxinta iyo nadaafada caasimada  daryeelka caafimaadka iyo wax barashada  waxay ahayd maalmo kulul oo ay kaga qayb qaadanayaan oololaha doorashada  iyo codbixinta waxa laga soo tagay daryeelkii qoyska ee hooyoyinka  caamada hoyada xaamilada  umulaha oo ka daacad ahaa aaminadii iyo rumayntii balan qaadkii musharaxiinta  waqtiga  ololahooda doorashada  in ay wax ka qabanayaan  rabitaanka shacbiga ku nool caasimada hargeisa

 

Waxa laga jooga hal doorasho oo goole deegan  oo lagu sabootiyey  golahii deegankii u horeeyey oo u badnaa rag masuuliyin ah oo  ku sifoobay in ay ka dhabeeyen  himiladoodii iyo balan qaadkii  doorashada ay dib ugu celiyeen najiido dadwaynahii soo doortay  najiido wax qabad oo aan la  xaqiri karay sida wadooyinka ku dul wareega caasimada hargeisa   ka qayb qaadashada  nadaafada caasimada iyo wareejinta qashinka oo lagu wareejiyey  shirkada private secters  etc

Waxa kale oo aan la ilaawi karayn golaha  deeganka ugu horeeyey  oo lahaa han damac siyaasadeed  iyagoo isku dayey in  doortan  moyar iyo  ku xigeen si ay u dardar galiyaan  masuuliyada iyo himiladooda wax qabad  eek u wajahan caasimada  halka ay ku heeshiyeen golahan deeganka iyo moyar sotelco in aan la iska hor iman  dhexdooda kuna midooban  dhiig miirasho hanta lunsi  dhul boob cadaalad xumo qiimayn la an  kuraas madhan  buuxso ana I eeg

 

 

Taas waxay ku yeelatay  niyad jab xoogan  qanac ay dib shacbigu uga istaagan doorashadii madaxtooyada  dalka ka qabsoontay oo diwaan galintii iyo qaadashadii kaadhadhka cod bixinta oo shacbiga ku dhaqan magaaloyinka  dalku ay dib uga istaagen

 

 Ogow golayaasha deeganka daku waxay ka soo bixi jireen qoysaska maalqabeenka  gobolada dalka oo ahaa dad la yaqaano   dhisantahay heerkooda waxbarasho

 

Waxa is waydiin  u baahan la xisaabtan la anta  ka jirta  dawlada dalka ka talisa  iyo fadeexada  daafaha u sudhan

Moyarka iyo golehisa deeganka iyo sida  u wajiib tahay in ay iscasilaan mudada ka hadhay sanadkan 17 march ka  hor 2019 00 ku eg waqtiga doorashada golaha deegaanka ee qabsoomi doonta  hadii alah uu idmo

 

Fariin  shacbiga ku nool  caasimadaha  dalka waxaan leeyahay ogaada codkiina ilaahay wuu idin waydiinayaa ee ka fiirsada  cida aad siinaysan  codka  ha ku bixinina codkiina  caadifad  qabiil ku taamilo qaata  aragtida iyo fool xumada caasimada hargeisa  ay ku sugantahay

 

 

 

Fayo-dhawre madax bannaan                      la soco

buux2010@gmail.com

0634130821

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker