Arsenal Oo Si Rasmi Ah U Magacaabay Unai Emery Tababaraha Kooxda Arsenal

London(OWN)- Arsenal ayaa xaqiijisay inay u magacowday Arsenal Unai Emery tababarahooda cusub ee kooxda ee bedelaya Arsene Wenger.

 

 

Ninka reer Spain oo k tagay Paris Saint-Germain dhamaadkii xilli ciyaareedka inkastoo uu seddex koob oo maxali ah isku qaaday ayaa heshiis labo sannadood ah u saxiixay kooxda ka dhisan Emirates Stadium.

 

 

Waxa uu noqonayaa tababarihii labaad ee ay yeelato Arsenal tan iyo 1996 ka dib markii ay soo dhamaatay 22 sannadood uu kooxda hayay Arsene Wenger iyadoo Arsenal ay ku dhameystay xilli ciyaareedkan kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League.

 

Magacaabista Emery ayaa timid ka dib wadahal uu la galay madaxda Arsenal Isniintii, iyadoo kooxda ka dhisan waqooyiga London ay rajeyneyso inuu ku higaamiyo hanashada horyaalka Premier League.

 

Madaxa maamulka Arsenal Ivan Gazidis iyo Unai Emery ayaa si wadajir ah shir jaraa’id galabta ugu qaban doona Emirates Stadium. Waxaa la fahamsan yahay in 46 jirkaan uu ku hadli karo luqad Ingariis oo asaasi ah laakiin taasi loogama arko kooxda inay dhibaato leedahay.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker