135 CAMAL OO LA SAMAYN KARO BISHA RAMADAN

1. Oogista salaada faradka ah

2. Soomka.

3. Tukashada Salaada Taraawixda.

4. Deg-dejinta afurka.

5. Dib-dhigista suxuurta.

6. Akhrinta ducadan witirka ka dib saddex jeer

سبحان الملك القدوس

7. Sunasyaasha la socda salaadaha ( Rawatib ) (10-12)

8. Tukashada Salaatu Duxa.

9. Sadaqada.

10. TAhlil ( لا اله الا الله

11. Tasbiix ( سبحان الله

12. Taxmid ( الحمد لله

13. Takbir ( الله اكبر

14. Xawqala ( لا حول ولا قوة بالله

15. La akhrinta eedaanka mu’adinka

16. ALLE dembi-dhaaf la weydiisto.

17. Ducada.

18. Saliga Nabiga .

19. Akhrinta Quraanka

20. Xifdinta Quraanka.

21. Akhrinta ama barashada Tafsiirkiisa

22. Barista Quraanka akhris-kiisa ama macnihiisa .

23. Tawbada.

24. U samofalka waalidka.

25. Xiriirinta qaraabada.

26. Sooryaynta martida iyo galbintooda.

27. Deris wanaaga.

28. Cuno siinta.

29. Hadal wanaaga.

30. Akhrinta adkaarta subaxa iyo galabta.

31. Akhrinta adkaarta xaaladaha gaar ka ah. Sida marka masaajidka la gelayo.

32. Ku seexashada weyso-qab.

33. Maydhiga jumcaha. Is-cadrinta , goor hore tegista masjidka , iimaamka loo dhawaado , dhamaystrika saf-afka salaadaha.

34. Dhoola cadaynta iyo fur-furnaanta.

35. U fiirsashada aayadaha ALLE ee inagu hareeraysan.

36. U dulqaadashada dhibaatada dadka inaga soo gaadha iyo in lagaga jawaabo dhibtooda wanaag.

37. Qarinta cadhada.

38. Oofinta balanta.

39. Tukashada salaada weysada.

40. La talinta cida u baahan.

41. Barista aqoonta qofka jaahil-ka ah.

42. Farista wanaaga iyo reebista xumaanta.

43. U hiilinta qof la dulmiyay.

44. Laabista indhaha. غض البصر

45. Booqashada walaalaha iyo asxaabta ALLE dartii.

46. Ka qeyb-qaadashada Aasas-ka iyo tacsiyaynta cida ay geeridu ku dhacday.

47. Booqashada dadka xanuunsanaya.

48. Aqbalista martiqaadyada kala duwan.

49. Ku negaan-shaha masjidka salaad ilaa salaada kale.

50. Fadhiisashada iyo dhageysiga xalqadaha cilmiga ee masaajidada lagu qabto bisha Ramadan.

51. Xushmaynta culimada.

52. La dagaalanka shubuhaadka .

53. Faafinta sunnayaasha kala duwan.

54. Isu-hadyaynta.

55. Gacan-qaadista qof muslim ah ALLE dartii.

56. Qadarinta qofka da’da ah.

57. Amaahinta lacag qof u baahan.

58. Ka dhaafista qof aad amaahisay lacag ama ka saamixida qeyb ka mid ah.

59. Ka bixinta cida deyn lagu leeyahay ama ka bixinta biilasha dadka aan awoodin . Tusaale leydhka ama biyaha.

60. Wax kasta oo dadka dhibaya oo laga fogeeyo .

61. In la asturo ceebaha iyo khaladaadka dadka.

62. In la isku naxariisto oo la isku tanaasulo marka wax la kala iibsanayo.

63. In la kafaalo-qaado agoomaha.

64. In la gar-gaaro oo la caawiyo qofka murugaysan.

65. Caawinta iyo ka -warhaynta gabadha ninkeedu dhintay.

66. Dhisida masaajidada.

67. Faafinta iyo tusida kheyrka bulshada. Tusaale inaad la wadaago asxaabtaada si uu dad badan u gaadho.

68. Daabicista Buugaagta.

69. Ku faafinta aqoonta baraha bulshada.

70. Dhageysashada muxaadaraadka.

71. In la garab galo ama la caawiyo cidkasta oo guur diyaar u ah.

72. In la heshiisiiyo dad is khilaafay ama is-dagaalay.

73. La saaxib-ista dadka wanaagsan.

74. In la bixiyo WAQFI ( الوقف

75. In la soo cimraysto bisha Ramadan.

76. In ALLE dartii la isku jeclaado.

77. In la isa saamaxo oo la is-cafiyo.

78. In aad bixiso tababar ,in aad barto bulsho ama qof xirfad si bilaash ah.

79. Inaad dadka ka farxiso adiga oo ku hadlaya hadal ka farxin kara , lacag , IWM.

80. Ilaalinta weysada ama inaad markasta weyso-qab ahaatid.

81. Siinta biil-ka xaaska iyo caruurta.

82. Aqbalida gabadha marka uu ninkeedu furaashka ugu yeedho.

83. Shaqada ay gabadhu gurigeeda ka qabanayso.

84. Nadiifinta masaajidada.

85. Biyo waraabinta ( waxa la sheega inay tahay sadaqo ta ugu wanaagsan sida Rasuulka SCW Ka sugnaatay.)

86. U mahadnaqa , abaalmarinta iyo u ducaynta qofka hawl inoo qabta.

87. In ALLE dartii loo ooyo.

88. In ALLE la weydiisto booska SHUHADADA.

89. In cuntada wadar lagu cuno sida xilliyada afurka.

90. In la xidho dharka cad-cad.

91. In la midabeeyo cirada .

92. In la beero dalag iyada oo niyad wanagsan lala imanayo , sida inay dadka iyo xoolo ka faa’idaystaan.

93. In laga caawiyo dadka baahiyahooda.

94. In ALLE dembi-dhaaf loo weydiiyo mumininta rag iyo dumarba.

95. In la siiyo oorida xaqeeda ( galmada )

96. In lagu meydho dadka dhintay ALLE dartii.

97. In loo hambalyeeyo qofka nicmo ALLE u soo kordhaan sida caruur oo kale.

98. In la siiyo qofka muslimka ah dhar.

99. In kabaha marka la gashanayo lagu bilaabo lugta midig , marka la bixinayo-na lagu bilaabo lugta bidix.

100. In fadhiga wax lagu cabo.

101. In qofka ay naftu ka sii baxayso loo laqimo shahaadada.

102. In lagu bilaabo waxkasta bis-inka .

103. In lagu dedaalo cadayga.

104. In aad iskaga bixiyo deynta lagugu lahaa si fiican.

105. Tukashada Salatul Istikhara.

106. La imaanshaha sujuuda mahad-naqa markay wax fiican la helo.

107. In laga caawiyo ehelka hawsha guriga sida afurka.

108. In masaajidka lagu tago lug.

109. In codka lagu qurxiyo Quraanka.

110. In la isku celiyo hamaan-siga.

111. In la fadhiisto masjidka salaada subax kadib ilaa inta ay cad-ceedu soo baxayso.

112. In la faro caruurta iyo ehelka salaada.

113. Tukashada laba rakcadood marka guriga laga sii baxayo iyo marka la soo galo kadib.

114. In aad wejiga gacanta ku masaxdo marka aad habeenkii soo toosto ee aad u kacayso Salatul leyl. Akhridana aayadaha u dambeeya AL CIMRAAN.

115. Inaad u ducayso qofka hindhisa .

116. Inaad hagto ama aad si wanaagsaan ugu sheegto qofka arrin ama meel ku weydiiya.

117. Inaad u wehel yeesho qofka kelinimo dareemaya ama aan wehel haysan.

118. Inaad soo dhaweyso una samafasho qofka aan wadankiisa joogin.

119. In lagu qeybiyo ama la geeyo kitaabka Quraanka ah masaajidada iyo meelaha kale ee u baahan.

120. In la qabto duruus , muxaadarooyin iyo tartamo aqooneed.

121. In la is -amaahiyo dharka , weelka , qalabka elektroniga sida moobilada iyo kombuyutarada. Sidoo kale dahabka , IWM.

122. In la bilaabo haayado kheyri ah oo ka qeyb-qaata caawinta bulshada bishan barakaysan.

123. In la diyaariyo buugaag iyo barnaamijyo loogu talo galay caruurta.

124. In loo faafiyo cilmiga si amaano ku jirto.

125. In la difaaco sharafta qofka muslimka ah.

126. In la bilaabo tartamo leh abaalmarino oo lagu dhiirigalinayo cilmiga iyo kheyrka.

127. In la farxad geliyo caruurta.

128. In la is- xasuusiyo xilliyada kheyrka ee ay bishani ku jirto.

129. In la ilaaliyo amaanada.

130. In la daweeyo dadka buka ALLE dartii.

131. In loo sama-falo xoolaha iyo shinbiraha.

132. In la dedaalo tobanka dambe.

133. In la toosiyo ehelka si ay u tukadaan salaatul leylka oo aanu kheyrka u seegin.

134. In la ICTIKAFO.

135. In lagu dedaaalo raadinta habeenka LEYLATUL-QADR , laguna dedaalo cibaadada habeenada loo malaynayo. Lana badsado weydiisashada ALLE inuu ina cafiyo.

 

 

 

Kadim Ali

bulside3@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker