OGEYSIIS:- Gudoomiye Ciro oo Beri Arbacada 23-05 Kasoo Degeya Stockholm & Taageerayaasha oo lagu War gelinayo inay kasoo qeyb galaan soo dhaweyntiisa

Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan taageerayaasha xisbiga Waddani ee ku sugan dalka Sweden in gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro uu soo gaadhi doono magaalada Stockholm ee dalka Sweden beri oo Arbaca ah taariikhduna ay tahay 23-05-2018, Saacada sadexda galabnimo ayuu gudoomiyuhu kasoo degi doonaa garoonka diyaaradaha ee Arlanda Airport ee magaalada Stockholm,

 

Hadaba waxaa lagu wargelinayaa dhamaan taageerayaasha xisbiga Waddani ee Sweden inay kasoo qeyb galaan soo dhaweynta gudoomiyaha oo ay socdaalkiisan ku weheliyaan Marwo Faadumo Siciid & Amb Cabdirisaaq Diinaari, Gudoomiyaha markii hore balantu waxay ahayd inuu yimaado dalka Sweden 24 bisha laakiin waxaa hore loo soo dhigay hal maalin sidaa ula socda balanta imaansha gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro ee Sweden,

 

Taariikhda:-    23-05-2018

Maalinta:-        Arbaca

Garoonka:-        Arlanda Airport Stockholm

Saacada:-        15:00  (Sadexda Galabnimo)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker