Saameynta uu reebay roobkii saacadaha badan ka da’ay Muqdisho

Muqdisho(OWN)- Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiey xaaladda saameynta roobabkii xalay ilaa iyo maanta ka da’ayey caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in 6 qof ay ku geeriyoodeen isla markaasna 301 guri ay biyo galeen halka qaar kalana ay dumeen.

Duqa Muqdisho oo warsaxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa yiri “Roobabkii ka da’ayey caasimadda tan iyo xalay oo ahaa nimco rabbaani ah ayaa saameyn ku yeeshay naf iyo maalba. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tan iyo xalay waday gurmad oo dadkii saameynta ku yeelatay la geeyey goobo isla markaasna loo diyaariyey raashin iyo hoy.”

Eng. Yarisow ayaa sheegay inuu warbixin xaalada ka siiyey Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha ciidanka Qaranka. Ka dibna Madaxda Qaranka ay fareen in gurmadka la labolaabo, iyadoo ciidamada loo diyaariyey inay kaalin ka qaataan gurmadka.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka G/Banaadir ay wadaan gurmad joogta ah sida biyaha oo laga dhuuqayo goobaha ay fariisteen, dadka loo diyaariyey hooy iyo raashin iyo in dhowaan la guda gali doono nadaafada caasimada si laamiyada burburay loo dayactiro.

Ugu danbeyntii Guddoomiye Yarisow ayaa shacabka ugu mahadceliyey doorkooda ku aadan gurmadka kana codsaday in dadka tabaaleysan loo gurmado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker