Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo Si Rasmi Ah Loogu Soo Casuumay Shirka Dalka Belgium Ee Lagaga Hadlayo Arimaha Somaliland & Isagoo Khudbad Taariikhi Ah Ka Jeedin Doona Machadka darasaadka iyo Cilmi baadhista caalamiga Ee Denmark

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo Si Rasmi Ah Loogu Soo Casuumay Shirka Dalka Belgium Ee Lagaga Hadlayo Arimaha Somaliland & Isagoo Khudbad Taariikhi Ah Ka Jeedin Doona Machadka darasaadka iyo Cilmi baadhista caalamiga Ee Denmark

 

Godumiyaha xisbiga waddani DR ABDIRAHMAN Mohmaed ABDULAAHI Ciro. & Wefti uu hogaaminayo ayaa wiigan socdaal dheer ku Mari doona waddamo kamidda qaradda Europe.

Gudomiyaha waxa socdaalkisan ku wehelinaya. Ergeyga Gaarka Ah ee u qaabilsan xisbiga waddani waddamadda midowga Europe iyo qaramadda midoobey Ambassador Abdirizak Diinaari oo isku soo duba riddey Shirarka iyo munasibaddaha uu GUDOMIYE Ciro kaga qeyb gali doono waddamadda uu marayo. Waxa iyana ku wehelineysa Gudomiyaha socdaalka Marwo Fatima Sa’ed oo ah la taliyaha Gaarka ah ee ARIMAHA dibadda ee Xisbiga waddani.

 

Wefti ayaa socdaalkooda diplomasiyadeed ka bilaabi doona waddanka Belgium, caasimadda Brussels. 21-23 ku sugnaan doona iyagoo la kulmi doona madax Kala duwan oo ku sugan xarunta midowga Europe iyo wasaraddaha ARIMAHA dibadda dowladda Belgium.

 

 

GUDOMIYE Ciro iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa kulamo la qaadan doona madaxda baaralamanka Addunka u qaabilsan dowladda Sweden iyo wasaradda ARIMAHA Dibadda maalmaha Bisha 24-26 ayaa GUDOMIYE Ciro waxu ku sugnaan doona Dalka Sweden

Safarkiisa GUDOMIYE Ciro iyo weftigiisu Waxey usii dhaafi doonaan
Dalka Denmark.

27-29 May,2018 waxu GUDOMIYE Ciro kulamo
La qaadan doona dowladda Denmark.

Waxuna khudbadd taariikhiya ka jeedin doona. Maxaddka darasaadka iyo Cilmi baadhista caalamiga ah ee loo yaqaan.

 

 

Danish institute for international studies.

 

 

Khudbadaa Gudomiyaha ayaa noqon doonta miduu kaga hadlayo Xaaladda Maanta Dalku marayo iyo somailand Waxey qabsatey iyo Marxaladaha Hadda ey ku jirto iyo caqabadaha hor yaala.Waxa Isna kelmadd kooban ka odhan doona Shirkaas oo ku saabsan taariihda Somaliland Ambassador Abdirizak Diinaari .

 

 

Gudomiyaha ayaa safarkisu yahey miduu kula kulmayo dowlaha somaliland qadiyadeedda tageera. Waxa safarkiisu noqon doona mid XOG is wareysi ah iyo ARIMAHA dorashadii dhacdey waxii ka qaladmey sidii loo saxi lahaa. Mustaqbalka loo Xoogin lahaa dimuqradiyadda iyo dowladd wanaaga somaliland. Iyadoo mar walba caalamka
La wadaagayo dareenka xisbigiisu ka qabo mar xaladda Dalku marayo.

 

 

DHINACA kale Gudomiyaha ayaa la kulmaya dhamaan dadka ku NOOL waddamadda uu tagayo Si uu ugu mahad celiyo Dadkii xisbiga tageersanaa. ulana wadaago marxaladaha Dalku marayo iyo Sidda xisbiga waddani loo waddo qaab dhismeedkisa ku saabsan dib u habeynta iyo dardar galinta howlaha xisbiga.

 

Guul somaliland
Happy 18 May
Viva xisbiga waddani

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker