Wafti Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Gaadhay Jiida Hore Ee Tuka-raq

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax,qaybna ay ka yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Ciise Axmed Yuusuf Xawar, Taliyaha Ciidanka Qaranka somaliland jeneral Nuux Ismaciil Taani, Wasiirka Biyaha Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada somaliland.

Waftigan Ayaa si balaadhan ciidanka Qaranka somaliland ay ula qaybsadeen guusha ay soo hoyeen waxaana ay halkaas kula kulmeen Saanad iyo hub ay ku hantiyeen dagaalkii shalay ku dhex maray ciidanka Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Ismaciil Taani oo ka hadlay khasaaraha dagaalkii shalay dhacay waxaanu xusay in uu hada dhulku yahay mid nabdoon oo ay ku qabsadeen Saanada 7 Gaadhi iyo hal Taangi(Kaare) waxa kale oo uu xusay in ay qabsadeen hub fudud oo qoryo u badan kaasi oo taabtay in ay ciidanku hada ku sugan yahay duleedka deegaanka Tuka-raq oo ay 7 Km hore u socdeen.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo sheegay ahmiyada ay nabadu leedahay iyo in ay ka Xukuumad ahaan markasta jecelyihiin  Nabada lakiin hadii la daan daansado ay waado cad iska marin doonaan cid kasta oo duulaan ku ah qaranimada somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane Ciise Axmed Yuusuf Xawar Oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in uu hada ciidanku gaadhay guul muuqata oo uu ka gaadhay cid kasta oo daandaansi ula timaad, waxaanu xusay in ay ciidamada qaranka hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax oo sheegay in ay nabadu tahay shay qaali ah balse ayna cidna u daba fadhiisan doonin dagaalkani na uu yahay mid lagu khasbay ciidamada Somaliland, gudoomiyuhu waxa uu xusay in ka maamul ahaan ay markasta jecel yihiin guulaha la taaban karo ee ciidamadu sameeyaan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker