Tolka maxaa Ramadaan uga talo ah

Tolku waxyaabo badan buu ka tashadaa ama ka shiraa oo go’aamo ka gaaraa, tillaabooyina ka qaadaa.

Arrimaha tolka la weyn ama hoggaankooda walwalka ku haya oo ay ficil iyo qawlba ka gaystaan kuma badna waxyaabaha Ilaahay agtiisa ka weyn ama ay ama ay diinta qadark iyo qiimaha u yeeshay ama ay ku xiran tahay dadkaan badbaadadooda adduun iyo aakhiro.

Dhaqankaas wuxuu u egyahay in tolku isu kaashanayo ka hortagga ama xallinta dhibaatooyinka adduun ama xaqiijinta danaha adduun kaliya ee aysan talada ku jirin in la wadaago oo la isu kaashado hirgalinta danaha aakhiro iyo ka hortagga khasaaraha aakhiro.

Waajibaadka Ilaahay ina saaray marka ashahaadada laga yimaado waxaa ugu waaweyn salaadda, sakada, soonka iyo xajka. Sidaas oo ay tahay marna ma arkaysid qabiil soomaaliyeed oo u shirsan salaad ama sako ama soon ama xaj ama xataa sidii diinta loo baran lahaa iwm.

Arrintaas waxay muujinaysaa sida arrimaha adduunyadu inoo la weyn yihiin, arrimaha aakhirana inoo la yar yihiin.

Gabagabadii aniga oo iska bilaabaya aynu qaddarino diinta iyo waajibaadka Alle ina saaray oo aynu isu kaashano qoys qoys ahaan iyo qabiil qabiil ahaanba; si ay marka dambe dhaqan joogto ah inoo ku noqoto.

 

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker