K/Waqooyi oo si lama filaan ah u hakisay wadahadalladii ay kula jirtay Koonfurta

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay hakisay wadahadallo heer sare ah oo qorshuhu uu ahaa in la qabto maalinta Arbacada ah sababo lagu sheegay caro ka dhalatay dhoolatusyo milateri oo ay Koonfurta iyo Mareykanku wada sameeyeen.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ayaa sheegtay in dhuultusyada ay wadajirka u wadaan Mareykanka iyo Koonfurta ay yihiin “daandaansi” iyo u diyaargarow weerrar.

Sidoo kale waxa ay uga digtay Mareykanka waxa uu ku dambeyn doono shirka taariikhiga ee lagu wado in 12-ka Juun uu dhexmari doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Bishii Maarso Madaxweyne Trump ayaa dunida kaga yaabiyay inuu aqbalay casuumaadda uu kula kulmi doono Mr Kim.

“Waxaannu isku dayi doonnaa inaannu kulankaasi ka dhigno mid gaar u ah Nabadda Caalamka!” Hogaamiyaha Mareyanka aya soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay isku sii diyaarinayso shirka Trump iyo Kim ay ku yeelan doonaan Singapore, sidoo kalana aanay ka warqabin in wax isbadel ah uu ku yimid mowqifka Kuuriyada Waqooyi.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker