DAGAALKA TUKA-RAQ MAXAY SOMALIA KA RABTAA MAXAY SE SOMALIAND KA RABTAA OO LA SABAB ISKU DILAYAA.

Horta dagaalka TUKA-RAQ iyo jiidda hore wuxuu salka ku hayaa isku darkii 26 June 1960gii ay isku darmeen Somalia iyo Somaliland iyo KALA-FUQII 18 MAY 1991 ee labada dal. Wuxuu ku soo beegmay xilli aad u adag oo dhibaatooyinkii dhinac kasta ee Xukuumaddii uu SIILAANYO ka xanuunsaday ay is dul Toonsanyihiin hadday tahay Doorashadii aan xallaasha ahayn, hadday tahay shacabkii oo qabaail loo kala soocsoocay oo qaar la isku diray loona kala eexday hadday Sicir barakii xadhkaha goostay tahay hadday tahay Saami qaybsigii Dawladdii la wada lahaa oo la kala sheegtay iyo manaafacaadsigeedii. Haddaba waxaa muhiima horta in la fahmo dagaalka TUKA-RAQ wuxuu u dhexeeyaa Somalia oo leh wax Somaliland la yidhaa ma jirto Mana jirayso iyo Somaliland oo leh isku darkii labada dal waanu ka baxnay xuduud caalamiyaa inoo dhaxaysa ee halkaa ha noo soo dhaafina aynu si wacan isu furo oo macruuf ku jiro. Waa laba arimood oo kala fog.

MADAXWEYNE MUSE BIIXI WAXAA LA GUDBOON SI KADTABA HA KU SOO GAADHO KURSIGEE INUU ISKA NADIIFIYO KURSIGA OO UMMADDA REER SOMALIAND MIDEEYO. OO DAGAALKA SOKEEYE EE CEEL-AFWEYN RAGGA AGTIISA JOOGA EE WADA RUNTA U SHEEGO OO AY JOOJIYAAN DAGAALKA SIYAASADAYSAN EE SOMALIAND KU BIRBURAYSO. Dagaalku maaha mida dhexeeya Somaliland iyo Puntland ee waa mid u dhrxeeya Somalia iyo Somaliland wejiyo kaloo qadhaadhina way ku hoos jiraan. Somalia Dawladda Somaliland way ka dhex buuxdaa hayadaha ugu muhiimsan Bay fadhidaa wax u qarsoonina way iska yar yihiin Dawlad ahaan laakiin Somaliland cidi uguma jirto Puntland taa waxaa u sii dheer gobolka dagaalku ka dhacayaa waxaa deggan taageerayasha Somalia ee ugu kakan uguna kul kulul.
U diyaar garawga wax iska celinta Somaliland waxay u baahantay in madaxweunuhu hadda dhiso dawladii Somalia iska celin lahayd sababo badan awgeed. Dawladda hadda inoo dhisani waa noocii ay ka tagtay Xukuumaddii uu ka xanuunsaday Madaxweyne SIILAANYO ee hunguriga ku dhisnayd iyo kala bursiga sidaa NA Somalia iskagama celin karno.
Hana u qaadan Madaxweyne in dadka kula talinayaa ay wax aad leedahay kaa baryayaan ee masuuliyaddii iyo aayihii ummaddeena ayaa qof waliba dareensanyey oo dhib ku haysa oo ka hadlinaysa.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker