Baaq taageerada ciidamada qaran Somaliland ee ku sugan jiida hore

Shir balaadhan oo ay isku yimaadeen jaaliyada reer somalind ee dalka maraykanka oo maanta ka dhacay magaalada Minneapolis Minnesota ee cariga dalka Maraykanka   shirkaas oo ujeediisu ahay taageerada ciidamada qaran Somaliland ee ku sugan jiida hore ee gobalka Sool gaara deegaanka Tukaraq , kulankaas oo ay joogeen qaybaha kala gedisan ee bulshada sida ganacsatada , aqoonyahan haweenka iyo dhalinyarada kuwaas oo dhaamantooda muujiyey taaageerada ay  la garab taagan yihiin ciidamada qaranka ee ku sugan jiida hore ee gobalka Sool gaara ahaa deegaanada xuduudka ay Jamhuuriyada Somaliland la wadaagto dalka Somaliya .

Sidoo kale waxay uga digeen xukumada itaal yare ee Somaliya iyo maamul gobaleedka Puntlaand inay joojiya fara galinta iyo ku xad gudubka xaduudaha qaran Somaliland hadii kale oo ay joojin wayaan fara galinta ay dhirbaaxo  kulul kala kulmi doon geesiyaasha difaacayaasha qaranka Somaliland kuwaas oo hadh iyo habeen u taagan difaaca dalka Somaliland ,marlabada jaaliyada Somaliland ee dalka Maraykanku tilmaameen in laga garab tagaan yihiin  deeq iyo diriir geesiyaasha ciidamada qaranka Somaliland eek u sugan jiida hore .

Dhinica kale qurbo jooga Somaliland ee ku dhaqan  dalka Maraykanku waxay  baaq nabadeed u dirayaa beelaha walal ah ee dhawaan  shaqaaqdu ku dhex maray deegaanada gobal Sanaag  gaara ahaa deegaanka Ceel afweyn  waxay  jaaliyadu  u baaqeen in si degdega loo joojiyo  shaqaaqda lana qaato nabada .

Link baaq nabadeed

 

Chairman Somaliland youth Association in North America  (SLYA)

Mohamed  Jama Garas

Minneapolis Minnesota

Email: S.landyouth50@gmail.com

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker