18 Qof oo ku dhintay dalka India

18 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, halka tiro kale oo intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib markii ay soo duntay wado ay isticmaalaan dadka iyo gaadiidka Magaalada Varanasi ee dalka India.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay wadada duntay inay aheyd mid uu dhisme ka socday, balse wado kale oo ka hooseysa dadka ay isticmaalayeen, waxaana dhimashada ay ka dhalatay wadada hoose oo dadka iyo gaadiidka ay marayeen oo middaan ka sareysa ay ku soo duntay.

Shaqaalaha gurmadka deg dega waxa ay sheegeen 18 ruux oo mayd ah in wadada duntay hoosteeda laga soo saaray, sidoo kalena ay jiraan dad wali halkaasi ku dhex jira oo geeriyooday.

Waxaa socda gurmad lagu baadigoobayo dadka wali la rumaysan yahay in ay ku hoos jiraan gawaarida, balse tiradooda iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ayaan wali war laga haynin.

Sawirro iyo muuqaallo laga qaaday dhacdadan ayaa muujinaya gawaari iyo bas ku hoos xaniban burburka oo ay dad ku jiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker