XALKA COLAADA CEEL-AFWEYN (5 Qodob): Ku Socota Madaxweynaha Somaliland

Mudane Madaxweyne arrinta Colaada Ceel-Afweyn kama adka ama kama  weyna dagaaladii sokeeye ee dalku soo maray. Gudidii Xeer-Beegtida ahayd ee nabadaynta ka dhaliyay beelaha Somaliland sida Shirarkii Borama, Hargeysa, Berbera, Sheekh, Burco, Ceerigaabo. Waxay waxay ahayd Odey Dhaqameed lagu kalsoon yahay  garta iyo Go’aankooda. Wakhti iyo Maal bandanna ku baxay  samirkeedana way lahaayeen.

Mudane madaxweyne marka dib loo eego sida ay Guurtidu hawshaa adag uga soo baxeen waxa kuu soo baxaysa waa iyaga oo samir iyo wakhti badan u huray, duurka u seexday. Ta labaadna ay ahayd in wax kasta oo guurtida ku baxaaya ay labada dhinac ka masuul oo marti loo ahaa.

Hadaba anigu waxa aan ku talin lahaa Shantan Qodob:-

1.      In la sameeyo Guddi  Xeer-Beegti ah oo adag isla markaana kalsooni buuxda lagu qabo oo laga  ilaaliyo in lagu farogeliyo hawshooda, Gudidaas oo samir/dulqaad u leh wakhti kasta oo ay qaadanayso hawshani.

2.      Si arrinta looga sal gaadho oo colaada loo soo afjaro, Dawladu keliya waa in ay qabanqaabinta Gudida mooyaane aanay wax talo iyo taakulo ah siinin  Xeer-Beegtida si ay madax bannaani u  dareemaan.

3.      In wax kasta   oo lagu  heshiiyo la fuliyo isla markaana  ay Xeer-Beegtidu  ku ilaaliso laba dhinac wixii lagu heshiiyay.

4.      Ciddii jebisa wixii lagu heshiiyana Xukunkeeda/Ganaaxeeda  ay Xeer-Beegtiduyeelato.

5.      Waa in Xooga iyo Xooolaha ku baxayaa Xeer-Beegtida marti looga ahaado labada Beelood iyo Bulsho weynta Somaliland.

 

 

Allah Ha Sahlo

Qalinkii: Maxamed Siciid Cali

E-Mail: Realmohamedone@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker